Qurba Joogii ka Cudur-daartay Xafladdii Madaxtooyadda Oo Loo Diidey Inay Madaarada Ka Dhoofan

0

Qurba Joogii ka Cudur-daartay Xafladdii Madaxtooyadda oo Loo diidey inay madaarada ka dhoofan

 ”Dhowaan Ayey I Yimaadeen Qolo Waday Xaflada Qaban Qaabada      Qurba Jooga Waanay Igu Soo Casuumeen Lakin Janis Uma Hayn.. Sababta Diyaarada La Iga Reebayna Waa Taas Un”

Xoghayaha Qaaradda Yurub Ucid Saamiya Muse

Hargeysa(Berberatoday.com)-xoghayaha abaabulka Qaraadda Yurub ee Xisbiga Ucid Marwo Saamiya Sheekh  Muse, ayaa sheegtay in si cadaan ah Saka loogu diidey in ay ka dhooftay Madaarka caasimada somaliland ee Hargeysa. Kadib markii ay diidey inay ka qayb gasho Xaflad Xukuumada soo abaabushay oo loo qabtay  qurba jooga ku sugan Somaliland,  kaas oo ay ku micneysay inuu ahaa fal laga lahaa ujeedo siyaasadeed.

 

Marwo saamiya oo safarkeedu ku qornaa diyaaradda  FLY Dubei ayaa sheegtay iyadooneyd Diyaarada soo caga dhigan Madar lagu wargelieyey in ay kacday FLY Dubei,  isla markana sida ay sheegtay aanu Diyaaradu kicin, waxa kale, oo ay xustay in qaar ka mid ah shaqaalaha Madaarka Hargeysi ugu micneeyen dhacdaadeeda mid siyaasadeed oo la xidhiidha Mucaarad-nimada.  Marwo saamiya oo arrimahan ka hadleysa waxa ay tidhii.

“Saaka 5.30: ayaan tagay madaarka si aan u dhoofo waxanan ku qornaa Diyuuradda FLY Dubei  waxana markii aan galay madaarka la i weydiiyey Tikidhkii waxana aan u dhiibey Bassborkii  waxanay muddo ayaan ka war-sugay kadibna waxa hadana Diyaaraddii oo aan sooba degin la i yidhii way kacday mucjiso ayey igu noqotay wana layaab mar kale, ayey igu yidhaah-deen way Buuxda Diyuuraddu … wanu isku buqnay inaamo meesha ka shaqeeya waxa igu yidhaah-deen saamiya iska aamuus meesha waxbaa laga dhex uriyee. Sidii ayaan kaga soo baxay anigo aad uga cadhoday, waxa jirtay inaan kale, oo iyana laga qaaday bassborkii oo tikidhkii laga hayo oo weliba aniga ehelkaygii ayaan la jooga ee iyaduu waxay ahayd Qarab oo Huteel ma kireysan karto waa tacadii aad u fool xun”.

Waxa kale, oo ay marwo saamiya sheegtay in anay weligeed Takoor naacan oo kale, ah kala kulmin dunida intii ay dhoofeysay  waxanay sheegtay in Lacag kale, oo laga qaaday taas oo aan sababteeda la garanay waxana mar kale tidhii ”waxa ila soo xidhiidhay qoladii FLY Dubei waxanay igu qasbeen in aan Bixiyo Lacag kale, taas oo Layaab igu noqotay waayo anigu maan lahayn wax qalad ah balse waan is bixiyey danba igu kaliftay beri ayaana laga yaaba inaan baxo… Wasiirka Duulistu meesha ka muuqdo dhaalihii kuweyt anigu waxaan ahay Reer Kuweyt markii ay FLY Dubei oo aan la socday safarkii hore soo cago dhiganeysay ay nala meeraaleysatay toban daqiiqo wanay wada-ashaahaateen dhamaan dadkii saarnaa sababta markii hore waxaan u haystay inay tahay Diyuuradda lakiinmarkii danbe waan ogaaday oo waa xagga Maadarka lama kordhin isbeyskii iyo balaaciiba”.

Sidoo kale, Marwo saamiya ayaa wareysigeedan oo ay siisey Weriye Cabdicasiis Bashiir Nuur oo ka tirsan shabakada warar ee Xogreebnews. Ku sheegtay in maalinti Khamiistii ay u timi qolo Xukuumada oo waday qaban-qaabada xafladii qurba jooga waxanay sheegtay inay ka cudur-daaratay.”dhowaan ayey i yimaadeen qolo waday xaflada qaban qaabada Qurba jooga waxanay igu soo casuumeen lakin janis uma hayn wanan u sheegay oo kamaan qayb gelintaas lafteeda waxay ahayd arrin siyaasadeed oo maalmahan waxay wadeen inay qasab ku bedelaan mabda’ayga  Mucaaradnimo oo si caadan ah ayey igu yidhaahdeen Kulmiye Xil iyo xoolaba wuu ku hayaa”.

Marwo Saamiya  ayaa muddo laba todobaad ah ah joogtay dalkeeda hooyo wana markii koobaad ee ay timaado saamiya sheekh Muuse. Waxana lagu tiriyaa Tiirarka ugu Cul-culus Xisbiga Ucid ee Qaaradda Yurub iyadoo ka mid ah Hoggaanka sare ee qaaradaas