Ciidamada Amniga Ethiopia, Oo Kaashanaya Booliska Caalamiga Ah Ee INTERPOL, Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Ma-gafayaal Dadka Tahriibiya

0

Addis Ababa-(BGN)- Ciidamada ammaanka ee waaxda ka hortaga tahriibka ee wadanka Ethiopia, oo kaashanaya booliska caalamiga ah ee dunida ee INTERPOL, ayaa si rasmi ah daboolka uga qaaday in ay gacanta ku soo dhiggen Todoba qof, oo xubno ka ah dadka ku shaqaysta ka ganacsiga tahriibinta dadka ee loo yaqaano MAGAFAYAASHA.

Haweenay ka mid ah Masuuliyiinta ciidamada amniga ee waaxda ka hor taga tahriibta ee dalka Ethiopia, oo lagu magacaabo Wondimu Chama, ayaa sheegtay in Todobadan ma-gafe, laga soo kala qabtay dalalka Kenya, Sudan iyo Tanzania, waxaanay xustay in kooxdan magafaayasha ah ee gacanta lagu soo dhigay ay ka mid yihiin shabakad isku xidhan oo si weyn uga ganacsada tahriibinta dadka.

Sidoo kale,


dawlada Ethiopia ayaa hore u shaacisay in shraciga la hor keenay Todoba iyo Toban qof oo ka mid ahaa dadka ka ganacsada tahriibinta dadka oo ku sugnaa gudaha Ethiopia.17 qof oo tahriibiya dadka oo ku sugna gudaha dalka Ethiopia.

Masuulyiinta Ethiopia, ee arrimahan u xil saaran ayaa sheegay ayaa in ugu yaraan Siddeetan qof oo ku kala filiqsan wadamada dunidu ay mashquulsan yihiin ka ganacsiga tahriibinta dadka, waxaanay intaa ku dareen in dawlada Ethiopia, ay xidhiidho gacan saar ah la yeelatay wadamo kale, oo iska kaashanayaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkaa danbiilayaasha ah ee magafaayasha ah ee ka ganacsiga tahriibinta ku mamay, waxaanay waaxda ka hortaga tahriibku ay laamo kala duwan ku leeyihiin magaalooyinka ku yaalla guda Ethiopia, sida Addis Ababa, iyo Diridhabe, oo ah meelaha ay tahriibintu ugu badan tahay.

Dawlad degaanka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo ay ku yarayd aafada tahriibku, ayaa dhawaan ka mid noqday meelaha ay saamaysay tahriibintu, iyada lagu soo waramayo in dhalinyaro badan iyo xubno ka mid ah shaqaalaha dawladu in ay gobolka ka tahriibaan.