Xildhibaan Buubaa Oo Olole Ku Tilmaamay Safarkii Madaxweynaha

0

Xildhibaan ibraahim Mahdi Buubaa, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ahna Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay safarkii uu dhawaan Madaxweynuhu ku tagay Gobolada qaar, waxaanu sheegay in safarkaasi uu ahaa mid aan hadda loo baahnayn, balse uu ahaa olole Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ah, oo cid gaar ah la wadatay, lagula kala reebaayo Guddoomiyaha iyo Musharax Madaxweyne ee Xisbiga.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa isaga oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay masuuliyiin dhawaan ka baxday Xisbiga, waxaanu sheegay in aanay waxba u noqoaynin, waxaanu yidhi “Xisbigu waa mabaadi la iskugu yimid, qofku haddii uu fahmi waayo oo ay la noqoto sidii uu isagu wax u arkaayey


inay saxan tahay, xor ayuu yahay cid haystaana ma jirto, waanu iska tagi karaa, Xisbi Mucaarad oo qudha maaha Wasiiro is casila ayaa la arkaa, Madaxweynayaal is casila ayaa la arkaa wax cudur ahna uma aragno dadkan naga baxay, sida loo fahmayna wax culays ah anaga naguma hayso”,
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Bubaa ayaa mar uu ka hadlaayey safarkii uu Madaxweynuhu ku tagay Gobolada qaar ayaa yidhi “Anagu waxa aan u arkaa safarkaasi inuu yahay safar aan taagnayn xilligiisi, Salaad walba wakhtigeeda ayaa la tukadaa, dadkuna xaq ayey u leeyihiin in loo tago oo la soo booqdo, balse xilligii ku haboonayd may ahayn, waxaana hadda dalka ka taagan arimo siyaasadeed oo murugsan, oo sababay in dhaqaalihii iyada oo Beesha Caalamku dhaqaalihii ay ina siin jirtay ay cidhiidhi ku jiraan, walibana murankii siyaasadeed ee dalka khal-khal galin gaadhay wali uu taagan yahay, Waddada Ceerigaab oo waa muhiim waa hal-bowle, waxa ku filayd kormeeristeeda iyo halka ay wax marayaan Guddida u xilsaaran, laakiin inay is barbar yaacaan may ahayn, oo waxaanu u arkaynaa safarkaas Madaxweynaha  siyaasadeed oo dhinaca ka ah olole, walibana Kulmiye gudihiisa iyo kala reebista xilka Guddoomiyaha Xisbiga iyo Musharixiinta jagada Madaxweynaha ku tartamaysa, oo lagu soo kala reebay, laguna soo wada haasawayey, la isna soo xod-xodanaayey, waxaana ka warhaynaa abaaraha dalka ka jira, biyo la’aanta ka jirta, maceeshada sare ku kacday, dhaqaalaha ay Xukuumaddu culayska saartay iyo Cashuuraha ay ku kordhisay meel walba, waxa ay ahayd in waxaas oo dhan xal laga gaadho oo Madaxweynuhu wax ka qabto, laakiin iska daba orodkaas kharashka aynu ku baxayna aynu ognahay”.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa mar uu ka hadlaayey Safarkii Madaxweynaha iyo dareenka uu kala kulmay dadka ayaa yidhi “Waxa la arkaayey cadhada ka muuqatay dadka ay booqnayeen, iyo hadaladii ka soo baxayey, waxayna taasi ina tusaysaa in safarkaas aanay dadweynuhu raali ka ahayn”.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa mar uu ka hadlaayey muddo kordhinta waxa uu yidhi “Golaha Wakiiladu waxa ay sameeyeen waa xeer, waxa lagu murmaa oo la yidhaahda ma sameeysna Xeer, Xeerkaas oo ah ma sameeysna Xeerkii lagu soo dooran lahaa Barlamaanka, Xeerkaasi waa ansaxa waana sharci waana kii anaga lanagu soo doortay, kaliya se haddii la doonayo in kaabis lagu sameeyo Xukuumaddu wey soo jeedin kartaa, laakiin anigu waxa aan aamisan ahay in sidaas uu yahay in lagu galo, oo wakhtigan haddii la is yidhaahdo dib ugu noqdo muran badan iyo is qabsi badan ayuu inagu keeni karaa, waxaana guul odhan karaa markii uu Daahir Rayaale Maxkamada uu geeyey ee ay go’aanka ka soo saartay,markaas waxa loo baahan yahay in Madaxweynaha iyo Xukuumaddu dhiiradaan, oo Doorashooyinka Wakiilada iyo Madaxtooyadana la qabto, Golaha Wakiiladuna codsi umuu diran Guurtida oo muu dhihin muddo kordhin noo sameeya, laakiin Madaxweynaha ayaa codsi gacantiisa ugu qoray oo yidhi Xukuumadda iyo Wakiiladaba muddo kordhin u sameeya”.

Source: Geeska Afrika