Kuwa Leh Wadani Reer Baa U Badan Ha Arkaan Hagbada Kulmiye

0

Salaanta islaamka ka dib waxaan halkan uga mahad celinayaa shaqaalaha website’kan

maalmahanba waxaa suuqa ku jirtay in ay ka baxayaan shakhsiyaada dhawr ah xisbiga wadani kuwaas oo ku eedeeyey xisbiga in ay u badanyihiin reerka gudoomiyaha xisbiga wadani hadaba taas oo aan anigu u arko arrin aan u baahnayn faalo waayo mujtamaceena ayaa ah mid qabali ah hadaad u fiirsto taageerayaasha xisbiyada kama madhna reerka gudoomiyaha bal eeg taageerayaasha madaxweyne siilaanyo badi waa beeshiisa iyo beesha gudoomiyaha xisbiga kulmiye.
Teeda kale hablaha dhawaan laga eryay xisbiga markii ay ku cadaatay inay xoolo ku bedesheen mabdaii xisbinimayada hankoodina siisteen shilimaan yar oo ay


bixisay madaxtooyadu suaasha yaabka lehi waa mid ka mid ahayd hablaha shirka jaraaid qabsadey oo lahayd hankayagii waanu ka dhex arki weynay xisbiga oo lacagta dad gaar ah baa gacanta ku haya markaa hadaa waxaa iiga bidhaantay inay xoolodoon ahayeen ee aanay dimuqraadiyad xorayatul qawl iyo wadanimo donn midna aanay ahayn ee uu hungurigu hagayey dhamaan inta ka baxday xisbiga wadani ta iga dagi weyday waa hankayagii baa ku dhex saqiiray xisbiga oo yaa idiin diidan maad cadaysaan hebel iyo hebel haday run idinka tahay ta kale xubnahan hungurigu hago miyaanay ka war hayn qaab dhismeedka xisbiga kulmiye ee u xidhan labo beelood oo aanay cid kale sadexeyn karin bal u fiirsada shirweynihii xisbiga waxaa lagu doortay in uu gudmooiye ka ahaado madaxweyneha haatan ee siilaanyo markii uu ka dagay waxaa loo doortay gudoomiye muuse biixi oo ah beesha kale halka ku xigeenka laga qaaday ninka u dhaawacmay kulmiye ee dhabarku kaga jabay ee cabdiraxmaan cabdilqadir loona dhiibay nin ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo oo ah maxamed kaahin.

Kulnaka siilaanyo kula yeeshay beeshiisa magaalada burco shalay oo ay albaabadu u xidhnaayeen loona diiday saxaafada ayaa daaha ka faydaya wixii horeba loogu xaman jiray kulmiye in uu yahay xisbi ku dhisan qabyaalad balse dadka aan caqliga badan lahayn lagu beerlawaaxsado oo xisbi loo simanyahay hadaba waxaa odhan lahaa hablaha kulmiye u hanqal taagaya car waataase ka dhex muuqda kulmiye hanbaad sheegteene hadii meeli idiinka banaantahay aniga waxba ha i weydiidina safarkan ugu dambeeyey muu ahayn mid horumar ee wuxuu ku saabsanaa oo qudha sidii uu siilaanyo ula soo tashan lahaa beeshiisa una soo cumaamadeyn lahaa saaxiibkii muuse biixi oo isna leh hagbada doorkan anaa leh waanaad ka garan kartaa sababta uu u dabo socdo iyo kulanada gaarka ah ee uu kulmiye ku qabsadey burco kulanadaas oo ku koobnaa beesha madaxweynaha ee aan laga qayb galin beelaha kale ee magaalada degan ujeeda ugu weyn ee laga lahaana waa sidii uu horeba u sheegay odayga midabada badan ee marna yidhaahda wadani baan taageeraa marka uu tolkii la joogana ku dhawaaqa kulmiye ha bilaabo ololaha doorashooyinka doorkana muuse biixi ayey beeshu taageeraysaa.
Kulmiye maaha xisbi ku dhisan rabitaanka shacabka somaliland ee waa mid beelo gaar ah u xidhan ee kan wadani ee cusub ha la xaadh xaadho waayo waa rajada qudha ee aynu leenahay maanta hadaynu nahay reer somaliland ma qabo in uu wadani yahay xisbi reereed ee waxaa jira dad iyagu xanuunsanaya oo qaba cuqdad rabaaniya oo aan dawo lahayn kuwaasna ilaahay mooye bani aadam iyo cirro toona ma daweyn karaan ta kale xisbigu waa xisbi balaadhan oo reer walba ka dhex muuqdo ninkii wax ka cabanaya inta aanuu madaxtooyada iska xaadirin ama shir jaraaid wado qabsan  hadii aanay xeeladi ku jirin maxaa sacabka habeenkii loo tumaa ha ka dhex sheego xisbiga gudihiisa wixii kale waa lax diideysaa geed ay ku xoqato ma weydo.