Xildhibaanaada Cabdiraxmaan Xoog Iyo Naasir Cali Shire Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtey Kana Hadlay Xaalada Dalka Iyo Arimaha Doorashooyinka

0

 Hargeysa(BGN):- Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog Iyo Xildhibaan Naasir Cali Shire Oo Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Ayaa Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtey .

Labadan Xildhibaan  Oo ka Soo Laabtay Safar Ay Ugu Maqnaayeen Dalka Dibadiisa  Ayaa Waxaa Ay Ka Hadleen Xalaada Guud Ee Dalka  Gaar Ahaana Arimaha Doorashooyinka Waxaana Ay Sheegen  In Aanay Xukuumda Somaliland Diyaar U Aheyn In Doorasho Dalka Ka Qabto .

Ugu Horeyn Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog Oo Halkaasi Ka Hadley Ayaa Waxaa Uu Yidhi “Waxaanu Aad Ugu Faraxsanahay In Aan Dalkii Hooyo Si Nabad Ah Ugu Soo Laabano Intii Aanu Dalka Ka Maqneen Waxyaabo Badan Ayaanu U Soo Qaabnay

Oo Waxaanu Ka Qeyb Galnay Shirar Caalami Ah Waxaa La Is Weydiinayey Oo Cidii Na Aragtaaba Ay Na Weydiineysay Goorma Ayaa Doorashadii La Qabanayaa Anaguna  Waxanu Laheyn Madaxweynaha Ayey Taasi Ku Xidhan Tahay Nasiib Daro Halkii Laga Filaayey In Uu Madaxweynuhu Ka Hadlo Arimaha Doorashooyinka Ayuun Buu  Gudoomiyihii Barlamaanka  Cidii Wax U Soo Qortey Ku Tidhi Xag Xago .Waxaana Iska Cad In Xukuumada Talada Haysa Ay Diyaar Aaney Diyaar U Aheyn In Ay Doorasho Dalka Ka Qabto” Ayuu Yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog .

Sidoo Kale Xildhibaan Naasir Cali Sheekh Ayaa Waxaa Uu Yidhi “Nuxurka Muranka Maanta Somaliland Ka Taagan  Waa In La Qabto Ama La Cayimo Wakhtiga Doorashada Saddex Go,aan  Baa Soo Baxay Saddexduna Waxaa Ay U Baahan Yahiin In La Cayimo Oo La Sheego Goorma Ayey Doorashadu Dhaceysaa Ta Laga War Wareegaya Ee Aan Meesha Oolina Taas Weeye “ Ayuu Yidhi Xildhibaan Naasir Cali Shire .

– See more at: http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=160780#sthash.Zd16Sive.dpuf