Xukuumada Somaliland Oo Heegan Galisay Ciidamada Booliska , Mulkiilasha Hoteeladana Amar Ku Soo Rogtey Ka Dib Baaqi Asxaabta Mucaaridka .

0

Hargeysa(BGN):- Xukuumada somaliland ayaa heegan culus galisay dhamaan ciidamada booliska ee gobalada iyo degmooyinka dalka oo dhan .

Heegankan culus ee la galiyey ciidamada booliska ayaa ka danbeeyey ka dib markii ay maanta xisbiyada mucaaridka iyo madasha wadatashigu ku dhawaaqeen in ay dalka ka qaban doonan shir wadatashi qaran ah .

Sidoo kale xukuumada somaliland ayaa mulkiilayaasha hoteelada waa weyn ku soo rogtay amar ah in aanay ogaalan karin in hoteladood lagu qaban karo shirkaasi ay ku baqeen xisbiyada mucaaridka iyo madasha wadatashigu .

Ugu horeyna taliyaha guud ee ciidamada booliska somaliland sareeyo guuto cabdilaahi fadal iiman oo halkaasi ka hadlay ayaa

waxaa uu yidhi “ nabad galyada guud ee dalku aad bey u wacan tahay u jeedada guud ee maanta ciidanka la isku keenay wax kala ma ah ee waa diyaar garow iyo xoojin dhinca amniga ah kumana koobana caasimada oo kaliya ee dhamaan gobalada dalka oo dhan ciidamada booliska oo dhami waxaa ay galeen heegan waxaana ay heegan u yihiin hawlahoodii caadiga ahaa ee ay qabsan jireen iyo cid kasta oo isku deyda in nabad galyada qarankan wax u dhinto in ay qabto

Waxaaan halkan fariin uga dirayaa cid kasta oo ku hadaaqeysa in ay nabad galayada khal khal galiyaan in ciidamada boolisku ay gacan bir ah ku qaban doonan bulshada somalilandna waxaan ku boorinayaa in ay nabad galyadood ilaashadaan sidii ay markii horaba u ilaashan jireen “ayuu yidhi Taliyaha Guud Ee Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guudto Cabdilaahi Fadal Iiman .

Dhinca kale waxaa isna halkaasi ka hadlay isla markaana fariin digniin ah u direy ganacsatada waa weyn ee leh hoteelada dalka wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha ee gobalada iyo degmooyinka Mr.Cadare waxaana uu yidhi “Waxaad la socotaan in mucaaridka iyo madashan aan sharciga aheyni ku dhawaaqeen in ay qaban doonan shir qayrul sharci ah wasaarada arimaha gudaha iyo ciidamda dalku mucaarid iyo muxaafidba amnigooda ayey ilaaliyaan waana masuulyad na saaran .

Waxaanu uga digeynaa shacabka rer somaliland gaar ahaana ganacsatada kireysa ama leh hoolalka lagu shiro in aan sharci aheyn oo khalkhal galin kara amniga qarankeena aanan raali ka aheyn cidii qabataana ay masuulyadeeda qaadi doonto” Ayuu Yidhi Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Ee Gobalada Iyo Degmooyinka Mr.Cadare.