WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/0833430/072015 ku magacaabay Gudi heer qaran oo qaban qaabin doonta Aaska Marxuum Fuaad aadan cade.
Digreetada Madaxweynaha:-
Ku:      Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada         Guddoomiye
Ku:      Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta                          Xubin    Â
Ku:      Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta                                    Xubin
Ku:      Wasiirka Wasaaradda Warshadaha                                     Xubin
Ku:      Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada     Â
 XubinKu:      Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye             Xubin
Ku:      Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, ahna                                Â
Ku-simaha Maayarka Hargeysa                                          Xubin
Ku:      Mudane, Cabdirashiid Ducaale Qambi                              Xubin                Â
Ujeeddo:Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Magacaabid Guddida Aaska Marxuum Fu’aad Aadan Cadde
Mudanayaal,
Sida aad ka war-haysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Fu’aad Aadan Cadde.
Sidaas darteed Mudanayaal, waxaan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda aaska Marxuum Fu’aad Aadan Cadde, waxaana guddoomiye idiin noqon doonna Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada.
Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuumka.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.