Ma Dhabaa In Dawladda Masar Ay Maxamed Mursi Dil Daldalaad Ah Ku Fulinayso Maalinta Ciidda?

0

mursi-Dawlada Masar ayaa la sheegaya inay dil dal-dalaad ah ku fulin doonto Madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamed Mursil kadib markii dil lagu xukumay.

Wararkan sheegaya in dilkan dal-dalaalad ah lagu fulin doono Maxamed Mursi, ayaa waxa lagu baahiyey Shabakadaha Bulshadu ku xidhiidho, waxaana sidoo kale baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta Masar.

 

Maxamed Mursi oo isagu ahaa Madaxweyne si xor ah loo soo doortay,oo Shacabka reer Masar si xor ah u soo doorteen, ayaa waxa uu ka tirsanaa Ururka Ikhwaanul Musilimiinka Masar, muddo kooban markii uu xilka Madaxtinimo ee dalkaas hayey ayey timid in Milatariga Masar ay inqilabaan xukuumadiisi, taas oo isna xabsiga loo taxaabay, kadibna xukun dil ah lagu xukumay kadib markii lagu eedayey inuu ka dambeeyey kacdoono iyo mudaharaadyo, ka dhacay dalkaas, oo keenay dhimasho, kacdoonadaas oo lagaga soo horseeday Dawladdii la riday ee uu ka Madaxweynaha ka ahaa Xusni Mubaarik.

Dhanka kale xadhiga iyo waliba xukunkan dilka ah ee lagu xukumay Madaxweynihii ee Masar Maxamed Mursi ayaa Dawladda Masar waxa ay Beesha Caalamka kala kulantay dhaliilo iyo eedaymo kala duwan, waxaana Madaxda iyo Hogaanada Wadaamda Adduunku intooda badani sheegeen in Xadhigan iyo xukunka dilkani uu yahay sharci daro, baalmarsan xeerka Caalamka.