Muuse Biixiyow Adoo Guri Quraarad Ah Degan Ha Shiidin Jaarka‏

0

Waa dagaalki Garxajiska iyo Maryaaloolka is uruursaday 1994-1997. Muse Biixi: “Anoo wax dili kara duco qaadan maayo ee dabci qorigu ha i furee” Iyo sumcad xumadii uu dhaxalsiiyey hadalkani…
Waxaa in mudo ah afxumo iyo cay bulshada kula dhex jiray ninka dagaalooge muuse biixi oo ay dad badani qabaan in uu yahay aafo qaran una baahan in jeel la dhigo ama ugu yaraan dacwad lagu soo oogo sidii cali samater ilayn isba dhiig badan buu qabaa oo weliba mid sokeeye halka uu cali samatar isagu ahaa reer koonfureed markiisi horeba muuse biixi waa ninkii isaguu wasiir ah ku baaqay dagaal lala galo qayb ka mid ah reer somaliland maantana halkuu iska qarin lahaa ayuu weli afxumadiisi iyo ficiladiisi naxliga xanbaarsanaa ummada la dhex joogaa oo aanuu toobaad ka keenin waa ninka ramadaanta caayaya cirro oo aan wax shuqul ah ku lahayn dagaaladii sokeeye halka uu isagu yahay dagaal ooge hore dhiiga maatada u daadiyey maantana u diyaar ah in uu marlabaad isku diro bulshada ka bogsatey nabaradii uu gaadhsiiyey oo caafimaad qabta ayuu doonayaa muuse in uu hadana ku celiyo 1994-97 waxaase yaab leh xisbiga kulmiye maa balaayo loo soo diray somaliland baa in ay kala faquuqdo ummada oo ay isku dirto shacabka walaalaha ah sidan uu muuse qabo se ma la qabaa madaxweyne siilaanyo

mida kale ee iyana yaable waa halka uu ninkan muuse biixi lacagta ka keeno ugu yaraan labaatan sano wax shaqo ah muu qaban oo ay lacagi ka soo gasho markiisi horena muu ahayn taajir ama maalqabeen ee xoolihii ummada uu dhiigooda cabayo ayuu rabaa in uu isku diro marlabaad

runtii madaxweyne daahir riyaale ayaa si fiican dadka baray wuxuu yahay muuse maalintii uu ku yidhi muusaw adaa lahaa anoo wax dili kara duco qaadan maayo

halkan ka daawo muuse biixi oo ku baaqaya dagaal sokeeye