safiirka Cusub e dalka Emaradka e Somaliland Baashe Morgan o Beeniyay in Wasiirka Arimaha Dibada somaliland Xilkan u magacaabay

0

Hargeysa(Biyo Guure News.com)-Wiilka uu sodogga uu yahay madaxweynaha Somaliland Axmed Siiraanyo ee Baashe Cawil ayaa si dadban u beeniyey in wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis ahaa masuulki u magacaabay in uu noqdo wakiilka dawladda Somaliland u fadhiyi doona caasimadda dalka Imaaraatka ee Abu-Dhabi.

Magacaabista Baashe ee xilkaasi oo soo shaac-baxday todobaadki hore aya waxay Mr Siiraanyo u soo jiiday fadeexad siyaasadeed oo guux badani ka dhashay dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba iyadoo dad badani u arkeen talaabada magacaabistan qorshe ay qoyska madaxtooyadu ugu talo-galeen inay ku musuqmaasuqaan kaalmooyinka la filayo in dawladda Imaaraadku Somaliland u soo mariso xafiiskaasi Baashe madaxa looga dhigay.

Hadaba Maxamed Biixi oo isku dayeya inuu fadeexadan isagu dhabarka u rito si uu uga duwo Madaxwynaha aya dhawr cisho markay ka soo wareegtay hadalhaynti sheekadan waxa uu ku dhawaaqay in uu isagu ka-wasiir khaaraji ahaan lahaa magacaabista Baashe Cawil.

Hasa yeeshee Baashe Cawil aya shalay marki uu madaarka Hargeysa ka soo dagay warbaahinta dawladda u sheegay in Madaxweyne Siiraanyo uu u magacaabay xilkan wakiilnimada Imaaraatka.Isagoo Baashe arintan ka hadlayana waxa uu madaxweynaha waarbaahinta u mariyey mahadnaq balaadhàn.

Inkastoo uu wasiir Biixi ku af-gobaadsaday in Baashe Cawil u qalmo xilkan uu sheegtay in uu u magacaabay hadana xaqiiqo ahaan hadalka wasiirku muu noqon mid ay bulshadu ku wada qanacdo ,khusuusan marka la ogyahay in Baashe Cawil aanu xata aqoon yarna u laheyn Af-carabiga oo ah luqadda rasmiga ah ee ay isticmaasho dawladda Imaaraadku isla markaana shaqada kaliya ee uu abid soo qabtayna tahay isagoo mar Taksiile ka noqday Los angeles.

Dhinaca kale Baashe Cawil oo ah shakhsiyad aan ka khajilin in uu si xad dhaaf ah uga faaiideysto awoodihi madaxweynaha u sodoga ah ee talaxgabay aya waxa safaf u soo gala wasiirada iyo masuuliinta kale ee dawladda si ay arimahooda uga dhameystaan hadii aanu isaguba u yeedhin si uu danahiisa uga dhameysto,iyadoo habdhaqankan oon lagu arki jirin xukuumadihi tan hadda xilka haysa ka horeeyey uu dadka badankiisa ku riday kalsooni darro farabadan oo ay u qaadeen xukunka Siiraanyo.Waxaseh ka daran niyad-jabka kaga dhacay xagi dawladnimada wanaagsan ee ay higsanayeen inay mar uun helaan taasoo ay kaga quusteen camaladi ay ka arkayeen xukuumadda Kulmiye shanti sanadood ee ay talada dalka soo haysay.