Hargaysa(Biyo Guure News)Rooda Axmed yasin Gudoomiyaha Xisbiga Ucid e Gobolka Saaxil, cali Xoor Xooraw Berbera Ama aniga ayaa Kugu Maxkamadeen ama Aniga ayaad Igu maxkamadeene waa Inoo Berbera

0

Cali Xoor-Xoorow Ama Adiga Ayaa Berbera Lagugu Maxkamadayn Ama Anigee Waa Inoo Berbera…..Roodo Axmed Yaasin


Hargaysa(Biyo Guure News) Sunday, July 12, 2015 17:38:23
Cali Xoor-Xoorow Ama Adiga Ayaa Berbera Lagugu Maxkamadayn Ama Anigee Waa Inoo Berbera…..Roodo Axmed Yaasin

Hargaysa(BGN)Roodo Axmed Yaasiin ayaa jawaab Ka bixisay Hadalka ka soo yeedhay Mereeyaha Dekeda ee ku Aadan inuu Maxkamada Gayn Doono Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil oo ku eedaysay inaanu qaran u shaqayn ee shaqsiyaad ugu adeego Dantii Umada.

Waxa ay cadaysay in Ay diyaar u tahay iskana Difaacayso Hadii Maxkamadihii Gobolku shaqaynayaan,iyada oo ku hanjabtay Roodi in Ay badka Soo dhigi Doonto Waraaqo Cadaynaya Musuq-Maasuqa Ka taagan Dekeda iyo Shaqsiyaadka Alaabahoogu uga Xaniban Yihiin Lacago Aan Xaq loogu lahay.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in Shaqadii Dekedu Gabi Ahaanba Dayacan tahay loona baahan yahay in Qof Umada u shaqeeyo Loo keeno Dekeda,iyada oo


Markalena ku celisay in Dhulkii u banana Dekeda Lasiiyay Shaqsiyaad looguna wareejiyay Taar waxaana ay tidhi.
“Eg Cali Xoor-Xoor oo Aad u xanaaqsan Candhuuftu ku dhagan tahay Tabcaan Ah,kaas oo leh  waxaan keenayaa Maxkamada Cidii tidhi Hadalkaas oo xeer ilaalinta ayaan u gudbiyay,Hortu waa ilaahay mahadii hadii ay shaqaynayso xeer ilaalintu,waxaanse leeyahay hadalka anaga ayaa nidhi,waa wax jira waana wax maanta ku badalay ee warbaahintan kuu galay,anigu Hadaan Rooda Ahay gobolka Xogogaal Ayaan u ahay intii Aan jiranay Gobolka Ayaa noloshayd ku qaatay.

Intaas waxa ay raacisay Roodi.”Calaw Xasuuqa Aad gobolka ku hayso Labaatanka Sanadood Waxaanu kuu haynaa Iyaga oo Qoraal Ah,Xasuuquna waa mid maskaxeed mid Dhaqaale oo cidaad doonto Aad ku fuliso,Waxaan leeyahay mareeye Cali Qoyska Madaxtooyadu Sharaf ayay mudan yihiin,kii horena way mudan yihiin,lakiin sidaas ugamaad hadli jirin,Madaxwaynaha Soo Socdana Wax lagu samayn Doono Sidaas uma Qiirootid.

Mareeyaha Dekeda Berbera waxa ay Dib u Xasuusisay Wakhtigii uu kulmiye mucaaradka Ahaa ee uu kaantaroolka uu ka Celiyay,waxaana ay ku eedaysay qofka uu marba guluub u baxayo in Loo dul saaray Maqaar waxaana ay tidhi.

“Anigu mayihi Mid Aad gobolka ka celin Karto Maxkamadna ku saari karto ee Adaan dhog-mantigaagu yalaa oo lagugu Maxkamadayn Doonaa,Calaw Xalay oo u danbaysay ayay shaqadaadi dayacnayd intaad aniga igu foogan tahay,aniga oon shaqayn lacagtaaduna isoo gaadhin aad dadka ku suuxisaa ayaan waxna iska celinayaa iskuna kalsoonay Gobol-nimadayda ku qanacsanay.

Dhinaca kale waxa ay ka sheekaysa Masaakiinta siday Carab dhabta lagu dulmo dekeda iyo qaylo Dhaanta Ay shacabku dhaadan yihiin ee ka taagan dekeda iyo wakhtiyada shaqada iyada oo badka soo dhigtay waxa badan oo shacabka ka qarsoon.

“Calaw meesha waa lagula ilaashanayaa dadka aad ku tacadiyaysayna waa la ogyahay iyo bagaashka dekeda yaala ee dadkii lahaa u diidan tahay meesha waa lagula ilaashanayaa ee kaligaa hamoodin inaad leedahay,manaaha waxaad sidaad doonto ka yeeli karto,usamee jiidayaal masaakiinta aad xoolahooda tunka ugu rartay markii danbena Aad bakhaarka ka qufulatay,umada somaliland haka gubin meesha aad baatroolka iyo naaftada ka Rarayso bagaashkina dhexdaad sanyahay,Adiga oo bogaahagu dayacan yihiin Calow Berbera adiga ayaan kugu maxkamadayn doonaa.

Hadalkan ka soo yeedhay Guddoomiyaha Gobolka Ayaa waxa uu ka danbeeyay kadib Markii uu cali Xoor-Xoor cadeeyay inuu dacwad ka furan Doono Maxkamada roodo oo sheegtayna inuu shaqsiyaad siiyay dhulkii dikada reseefka u ahaan Maxkamada soo taagi Doono.

– See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=159789#sthash.3lb927vL.dpuf