Hargaysa(Biyo Guure News)Halista Ay Ku hayaan Shirkadaha dawooyinka Keenaa shacabka Reer somaliland oo Markhaati cad Leh ,halkan ka dhugo,

0
Maalmahan u dambeeyay waxa banaanka u soo baxay sawir laga qaaday mid ka mid ah daawooyinka lagu iibiyo magaalada Hargeysa oo laga soo dejiyay dalka dibadiisa, kaas oo fashiliyay fadeexad ku gedaaman daawooyinka wadanka la keeno. 

Muuqaalka daawadan oo uu qaaday muwaadin reer Somaliland ahi waxa ka muuqda wax laga argagaxo oo cabsi ku abuurtay dhammaan qof kasta oo uu jidhkiisu damqanayo.

Sida ka muuqata daawadan oo maalmahan dhex wareegaysay baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho, waxa ay soo baxday sannadka soo socda ee 2016 ee aan la gaadhin weli iyadoo lagu jiro sannadka 2015.

Waa arrin murugo iyo naxdin leh in dalka la keeno daawo noocan oo


kale ah, waxaana la dareemayaa cadowtinimada ka muuqata dadka daawadan dalka keenay ee shacabkooda u quudhay inay ka iibiyaan oo ay ugu sheegaan inay tahay daawo dabiibaysa xanuunada haya.  Si rasmi ah looma garanayo cidda daawadan dalka keentay oo kama muuqdo wax magac iyo astaan ahi, waxase ay arrintani muujinaysaa sida uu halista ugu jiro caafimaadka shacabka reer Somaliland.
Iyadoo marka horeba ay jireen warar sheegaya in daawooyinka dalka la keenaa ay yihiin kuwo bilaa tayo ah oo la kala shaxaaday tayadooda, ayaa waxa haddana uu sawirkani markhaati cad u yahay sida daawo kasta dalka loo soo gelin karo iyadoon la hubin iyo sida uu u dayacanyahay shacabka Somaliland.

Hay’adda ilaalinta tayada Somaliland iyo wasaaradda caafimaadka waxa laga doonayaa oo waajibka ay shacabku ku leeyihiin koow ka ah inay hubiyaan tayada daawooyinka dalka la keeno iyo inay sidoo kale hubiyaan taariikhda daawooyinka wadanka yaala.

Shacabka Somaliland, waxa iyagana la gudboon inay ugu yaraan iska hubiyaan taariikhda daawooyinka ay iibsanayaan, mar haddii aanay jirin cid tayadooda soo hubisay.

– See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=159786#sthash.aGySP72w.dpuf