Hargaysa(BGN)Siyaasiyiinta Somaliland Waxay Ku Hafteen Siraha Wikilieks … W/Q Maxamed Yaasiin Maxamed

0
Hadhwanaag News

Hargaysa(Biyo Guure News)Siyaasiyiinta Somaliland Waxay Ku Hafteen Siraha Wikilieks … W/Q Maxamed Yaasiin Maxamed Ilkacase


(BGN) Sunday, July 12, 2015 09:15:52
Marka hore waxaa maalmahan aad laysula dhex marayay waraaq aan murti badan xanbaarsanayn oo dadkii dadkani ay u tuhmayeen inay taladooda

 

Bismilaahi raxmaani raxiin,marka hore waxaan salaamayaa saxaafada madaxa banaan ee somaliland ee ii ogolaatay in aan maqaalkaygan ku soo bandhigo,kaasoo aan maanta qalinka u qaatay ra’yigayga sifaha iiga muuqda siyaasiyiinta u tartamaya xilka dalkan iyo dadkan ee weliba ku foogan dibindaabyada dadka iyo dalka ,aqoon darada iyo weliba sharci jebinta,taasoo aad ii damaqday aan go’aansadayna inaan ra’yigayga aan wax ka idhaahdo.

Marka hore waxaa maalmahan aad laysula dhex marayay waraaq aan murti badan xanbaarsanayn oo dadkii dadkani ay u tuhmayeen inay taladooda ay ku tartamaan ay ku muusanaabayeen in ay tahay qaran dumis iyo khiyaamo balse aan micno badan xanbaarsanayn,tusaale ahan warqadaasi kama muuqdo wakhti la qoray tirsi

sy leedahay sumad,saxeex cida heshiiskaa gaadhay oo ku cad,cid markhaati ama goobjoog ka ah oo wax ka saxeexday iyo weliba shaabado muujinaya sharci ahaanteeda,waraaqda noocaas ah ayay ku dhiilaabayaan niman dalkan uu han kaga jiraa maadaama ay sidaa waraaqduba ay tahay,sidee ayay dadkan hadhow ay u maamuli doonaan hadiiba ay ku guulaystaan maantoo aanay waxba jirin ayay sidaa yeelayaane,hadiiba ayse jirto oo ay aaminsan yihiin in ay waraaqdaasi tahay mid dhab ah,sidee xalkeeda loo gaadhi karaa yaase xaq u leh baadhutaankeeda,ma xisbiyada ayaa  leh,ma maxkamada sare ayaa leh,mise sidan hada jirta ayaa warbaahinta lagaga sheekaynayaa.             waxaan hadaba kula talin lahaa siyaasiyiinta mucaarid iyo muxaafidba,xisbiyada qaranka muxaafid iyo mucaaridba ,bulshada ra’yidka ah iyo dadwaynaha reer somaliland ee aadka u qiimaha leh in ay dhawraan dantooda iyo aayaha dalkooda,ayna ka feejignaadaan sife kasta oo dhaawici karta xaqa dalkani u leeyahay inuu ka mid noqdo quruumaha aduunkan cusleeyey.

dadka reer somalilandna waxaan odhan lahaa nimaan idiin furi doonin yaanu idiin rarin

wa bilaahi towfiiq

Maxamed Yaasiin Maxamed Ilkacase

– See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=159761#sthash.WNJmiI8c.dpuf