10 Shaqaale Ah oo la eryay,40 Mushaharkoodii La hakiyay iyo Agaasimaha Warfaafinta oo Ka hadlay

0

10 Shaqaale Ah oo la eryay,40 Mushaharkoodii La hakiyay iyo Agaasimaha Warfaafinta oo Faah-faahiyay.


(Hadhwanaagnews) Saturday, July 11, 2015 15:12:26
10 Shaqaale Ah oo la eryay,40 Mushaharkoodii La hakiyay iyo Agaasimaha Warfaafinta oo Faah-faahiyay.

Hargaysa(HWN)Maxamed ilkacase agaasimaha Wasaarada Warfaafinta Somaliland ayaa ka hadlay shaqaale Ay ka joojiyeen shaqada kuwaas oo ay ku edeyeen in ay shaqaysan wayeen.

Shaqaalaha Shaqada laga Joojiyay ayaa tiradoodu dhan tahay 40,Halka kuwa la eryayna Ay dhan yihiin 10 Qof,waxaana uu agaasimahu Xaqiijiyay in  Ay talaabo ka qadeen Shaqsiyaadkaas oo ku macneeyay Mashaqaystayaal.

Agaasimaha ayaa wacad ku maray inaanay mushahar siin doonin dad uu ku tilmaamay kuwo marka talaabo laga qaado saxaafadda ku baahiya warar aan xaqiiq ku salaysnayn, isagoo ku faanay in maalmulka wasaaraddu yahay dad aqoon leh .

 “Anagu dad Liiskoodu googays ahaa oo aan shaqada iman jirin ayaanu Mushaharka ka joojinay.Markaa qofkii leh waan shaqeeyaa oo mushaharkii baa


la iga jaray xaq buu u leeyahay inuu guddida u soo cawdoo oo yidhaa waan shaqayn jiray laakiin, qof iskaba maqan oo dibadda Mushahar ku qaadanayay oo aan sooba shaqo tagin sabab uu cid u eedeeyaa ma jirto anaguna sabab aanu qof shaqaysanaya mushaharka uga jaraa ma jirto” ayuu yidhi Agaasime Ilkacase oo u waramayay Bulsho tv.
Agaasimaha ayaa ku dooday in shaqaalahan lagu haysto inay shaqadooda gutaan islamarkaana ay dhibaato wasaaradda haysata tahay dad aan shaqaysan oo shaqaalaha ka tirsan “Waar walaal wasaaraddii u shaqeeya oo dadkiina u shaqeeya oo mushaharkiina xalaalaysta ayaa la leeyahay, waa dhibaato wasaaradda warfaafinta haysata, taas oo aanu dardar ku galinayno in shaqaalaha xaqooda la mariyo oo ka shaqaynaya la dhiiri galiyo oo wax la taro ka aan shaqaysanna xeerka shaqaalaha la mariyo” ayuu yidhi Maxamed Ilkacase. 

Agaasimaha warfaafinta ayaa ku doodaya in markasta oo wasaaradda la hagaajinayo laga faafiyo warar aan sugnayn “Markasta oo la is yidhaa wasaaradda hagaajiyaba, Dacaayado iyo borobagaando iyo hadal aan jirin oo joogin Website-yada ku baahiyaan.markaa dadka soo shaqeeyay oo shaqada garanaya oo wadankan CV ku leh baanu nahay oo jaamacaddo ka soo baxay, markaa dacaayado raqiis ah niman ugu joojinaya Wallaahi baanaan ahayn oo Billaahi baanaan ahayn,markaa haddii Website-yo lagu qoro maahee haddii Cirku soo dumayo inaanay Mushahar wasaaraddani siinayn qof aan shaqaysan” ayuu yidhi Agaasime Ilkacase. 

Hadalkan Agaasimaha ayaa ku soo beegamay Wakhti Ay shaqaale tiradoodu dhan tahay 10 qof la eryay halka 40 Kalena Lahakiyay shaqadoodu ka dib sida uu sheegay agaasimahu marka ay shaqadii loo igmaday ka soo bixi wayeen,Balse shaqaalaha iyada shaqada laga joojiyay ayaa qaba fikir taas ka duwan oo ku andacoonaya in Si u kas Ah agaasimahu uga  joojiyay.

– See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=159715#sthash.XPY0rJnT.dpuf