Dayowga xukuumadda ee ku aadan ka jawaab celinta Sirtii Fakatay

0

sirtan khusaysa Soomaliland waxay ahayd mid ay dawlada Sucuudigu sheegaysay in dawladda Federaalka ah, Puntland, Somaliland iyo Inta badan xukuumadaha mudakarka ahi waa kuwo ku shaqeeya rabitaanka dadkooda,

iyagoo isu arka inay yihiin adeegayaal bulsho, nasiib darro-se taa cakiskeeda ayaa halkan taala, oo ah in siyaasiyiinta Somaliland iyo Guud ahaanba kuwa ka jira Soomaaliya ay ku shaqeeyaan waxa ay markasta u arkaan inay quudinayso masaaliixdooda siyaasiga ah, hadaba, waxaa dad badan ka fajacisay markii la shaaciyay sir dahsoonayd oo ay fayday shebekada wikileaks oo sanadihii u danbeeyay sii daysay fadeexado badan oo dunida dacaladeeda khuseeya, sirtan khusaysa Soomaliland waxay ahayd mid ay dawlada Sucuudigu sheegaysay in

dawladda Federaalka ah, Puntland, Somaliland iyo hugaamiyayaal maleeshiyaad ahi ay ku heshiiyeen in la sameeyo Barlaamaan, iyo dastuur dalka ku hugaamiya in la sameeyo dawlad federal ah, tan oo ah wax ka baxsan maandheyt ahaan wixii loo dirtay xukuumadda uu hugaamiyo Axmed Siilaanyo, waayo, waxa laga eegayay, balanqaadyadeediina ka mid ahaa inay dalkan u raadiso Ictiraaf caalami ah, waa wax ka hor imanaya rabitaanka Shacabka Somaliland ee madaxbanaanida ku salaysan, waana dhacdo ka turjumaysa sida ay masiirka dadka u dhagrayaan kuwii ay aamineen, tan kale ee layaabka lihina  waxay tahay, jawaabaha iska soo horjeeda ee ay kala bixinayaan siyaasiyiintii xukuumadda iyo xisbul xaakimku, tusaale ahaan, jawaabtii ugu horaysay ee arintaas khusaysa waxaa bixiyay wasiirka Madaxtooyada,Mr. Hersi Ali Haji Hassan  oo ay jawaabtiisu u ekayd qiraal, ka dib markii uu eeda heshiiskaas la galay dusha ka saaray Wasiirkii hore ee Arimaha Dibedda ee Somaliland Mr. Mohamed Abdilahi Omer, isagoo sheegay in sabibihii uu xilka ku waayay ay ka mdi ahayd arintani, siina raaciyay  inuu iska galay heshiisyo aanu cidna kala tashan, wixii markaas ka danbeeyayna jawaabaha xukuumadda iyo xisbul xaakimkeeda kasoo baxayay waxay ahaayeen kuwo dafiraad iyo isdifaac uun ahaa, halkii ay umadda ka raali gelin lahaayeen gefkii ay ku galeen magacooda dawladnimo, aqbalina lahaayeen denbiga qaran ee ay galeen.

Si kastaba ha ahaatee, jawaabaha iska soo horjeeda ee ka imanaya raga budh-tuurka u ah xukuumadda Siilaanyo, waxay ina tusinayaan jaahwareerka siyaasadeed iyo intijaah la;aanta ay maanta ku sugan tahay xukuumadda uu hugaamiyo madaxweyne Siilaanyo, halka dhagaraha dahsoon ee fashilmay ee  ay xumuumadani kula kacayso masiirka dadkeeduna uu yahay sirma qabe Allaa u sahan ah, Isku soo wada duuboo, Shacbigu wuxuu ka dhigan yahay reer Abaar yaala, oo aan biyo haysan, oo ka   dhursugaya dhaan ay u dhiibeen rag aan rabin inay usoo dhaamiyaan, una sheegayn inaanay rabin inay usoo dhaamiyaan oo biyo u keenaan, danna ka lahayn haraadkooda, maaweelinayana.

Wa Bilaahi Towfiiq

Qalinkii:- Hussein-lucky Mohamed Mohamoud

Burco, Somaliland,

Email, Husseinlucky@hotmail.com