Xasan sheekh ma yeelaya in calanka la bedelo, Caasimada Garoowe laga dhigo magacana lagusoo celiyo …..midnimada uu doonaya waa noocma, wax walba an qaato weeye..

0

Cabdi Xasan oo Ka Faalooda Arimaha Siyaasada Wadamada Carabta Ayaa Yidhi Madaxweyne Xasan sheekh wuxuu sheegay inuu wax kasta u huraayo midnimada somaliya hadii la helaayo Somaliland oo u banayn lahaa madaxtimada hadal kii u ka jeediyey magaalada Laascaanood

Somaliland iyo Somaliya 26 kii june 1960kii Waxay ku heshiiyeen magac la odhan jiray Somali republic oo waxaa meel la iska dhigay magacii somaliya ee koonfur la odhan jiray iyo magacii Somaliland ee Waqooyi la odhan jiray ka dib 1969 ayaa magaci rag koonfur ka socday oo dawlada afgabiyey tuuren , waxayna la soo noqdeen magacii somaliya ee koonfur kali ah hore u lahayd
Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi hadiii hada somaliland odhan lahayd midnimo waan rabnaaye Soo celiya magacii inaga dhaxeeyey oo iska dhiga midkan idinka kaligiin gaar ka idiin ahaa Sidoo kale labada Calan lama tuuri karo midka tawxiidka leh ee inaga dhiga midka buluuga ah
Caasimadana ha laga dhigo garoowe oo ku taala meel dhex dhexaad ah dadkeedana ay is fahmi karaan Somaliland iyo Koonfur ba waayo iyadu waa meel dhex ah oo labada qolo ba soo gaadhi karto sidoo kale taqaan dhaqanka koonfur iyo waqooyiba
wuu diidi lahaa Midnimo ba madaxweyne Xasan Sheekh taas waxay cadaynaysa ayuu yidhi in muqdisho laga rabo aan ku yeesho oo ka fog aan wax wada lahaano

Cabdi ayaa inta ku daray anigu ma ihi reer somaliland ama reer puntland xiligan la joogona somaliland ma odhan midnimo ayaan rabaa laakin bal qofka arinta igu beeninaya ha sheego Caasimada iyo Calanka ma bedeli karaa Xasan sheekh , Madaxweyne qof ah oo bil ka dib dhiman kara ayaan bixinaya mooye ,, ayuu yidhi