Wararkii u dembeeyey ee dibad-baxyada Iiran iyo xaalado adag oo ay dhaqaatiir BBC-da u sheegeen

0

Shaqaalaha saddex isbitaal oo ku yaalla Iran ayaa BBC u sheegay in xarumahooda ay buux dhaafiyeen bukaanno dhintay ama dhaawacmay, iyadoo ay sii socdaan mudaaharaadyada waaweyn ee dowladda looga soo horjeedo.

Dhaqtarka mid ka mida cisbitaallada Teheran ayaa sheegay inay jireen “dadka yar yar oo toos looga tooganayey madaxa, sidoo kalane wadnaha”, halka dhakhtar kale uu sheegay in isbitaal indho ee caasimadda uu galay xaalad degdeg ah.”

Laba ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay daweeyeen dhaawacyo ka dhashay rasaas nool iyo midda budada ah labadaba.

Jimcihii, Mareykanku wuxuu ku celiyey in dilka mudaaharaadayaasha looga jawaabi doono fal milatari. Iiraan waxay Mareykanka ku eedeysay inuu mudaaharaadyo nabdoon ka dhigay waxa ay ugu yeertay ‘falal rabshado iyo burbur baahsan’.

Isaga oo ka falcelinaya xaaladihii ugu dambeeyay, Madaxweyne Trump waxa uu soo dhigay baraha bulshada: “Iran waxa ay eegaysaa XORRIYADDA, laga yaabee in aan waligeed horay loo arag. Mareykanka waxa uu diyaar u yahay in uu caawiyo!!!”

Mudaaharaadyadu waxay ka billowdeen caasimadda Tehran laba toddobaad ka hor iyada oo laga cabanayo dhibaatooyinka dhaqaale.

Tan iyo markaas waxay ku fideen in ka badan 100 magaalo iyo degmooyin ku yaalla dhammaan gobollada Iiraan. Waxaa la rumeysan yahay in boqolaal mudaaharaadayaal ah la dilay ama la dhaawacay, halka kuwo kalena la xiray. BBC-da Af-Faaris ayaa xaqiijisay aqoonsiga 26 qof, oo ay ku jiraan lix carruur ah.

Xubnaha ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale la dilay, iyadoo hal koox xuquuqda aadanaha sheegtay tirada inay gaareyso afar iyo toban

BBC Persia ayaa xaqiijisay in 70 mayd oo la keenay Isbitaalka Poursina ee magaalada Rasht habeenkii Jimcaha. Qolka maydadka ayaa buuxa, sidaas darteed maydadka ayaa laga qaaday. Mas’uuliyiintu waxay qoysaska dhintay ka codsadeen 7 bilyan ria loo u dhiganta todobo kun oo dollar si loo sii daayo maydadka loona aaso, sida ay sheegeen ilo ka tirsan isbitaalka.

BBC-da iyo inta badan warbaahinta caalamiga ah waxaa laga mamnuucay inay gudaha Iiraan ka warbixiyaan, dalka oo dhanna wuxuu ku jiraa xiriyaad internet oo ku dhow mid buuxa tan iyo Khamiistii fiidkii, taasoo ka dhigaysa helidda iyo xaqiijinta macluumaadka mid adag.

Shaqaale isbitaal ku sugan Tehran ayaa ka hadlay ‘muuqaallo aad u naxdin badan’, isagoo sheegay in dhaawacyadu aad u badnaayeen sidaas darteed shaqaaluhu aysan haysan waqti ay CPR ku sameeyaan.

“Qiyaastii 38 qof ayaa dhintay. Badankood markiiba la gaarsiiyey sariiraha degdegga… rasaas toos ah oo madaxa dhalinyarada lagu bartilmaameedsaday, sidoo kale wadnaha. Badankood xitaa isbitaalka ma soo gaarin.”

“Tiradu aad ayey u badnayd, mana jirin meel bannaan oo ka tirsan qolka maydka, maydadka waa la is dul saarayey”

“Markii qorlkii maydku buuxsamay, waxaa la is dulsaaray qolka salaada”ayey tiri.

Shaqaalaha isbitaalka ayaa sheegay in kuwa dhintay iyo dhaawucuba ay ahaayen dhalinyaro “ma eegi karin in badan oo ka mid ah, waxaa da’doodu u dhaxaysay 20-25 sanno jir”

Dhakhtar kula xidhiidhay BBC-da khadka satalaytka ee Starlink habeenimadii Jimcaha ayaa sheegay in xarunta ugu weyn ee takhasuska indhaha ee Tehran, Cisbitaalka Farabi, ay gashay xaalad deg deg ah iyadoo adeegyadii degdega ahaa ay buux dhaafeen.

Galitaanka iyo qalliinnada aan degdegga ahayn waa la hakiyay, shaqaaluhuna waxaa loogu yeeray si ay ula tacaalaan kiisaska degdegga ah”ayuu yiri.

Dhakhtar kale oo ka yimid magaalada Kashan ee bartamaha Iiraan ayaa BBC-da u sheegay in mudaaharaadayaal badan oo dhaawacmay lagu dhuftay indhaha, isla markaana asxaabtiisa ka shaqeeya isbitaallada ku kala yaalla magaalada ay soo sheegeen in ay heleen dad badan oo dhaawac ah intii ay socdeen rabshadihii habeenkii Jimcaha.

Habeenkii Khamiista ayaa sidoo kale la soo sheegay dhacdooyin la mid ah.

Dhakhtar ku sugan xarun caafimaad oo ku taal Tehran ayaa BBC-da u sheegay: “Tirada dadka dhaawaca ah iyo dhimashadu aad bay u badan tahay, waxaan arkay hal qof oo isha laga toogtay, oo ay xabbaddu ka baxday madaxiisa dambe.

“Qiyaastii saqdii dhexe, albaabbada xarunta ayaa la xiray. Koox dad ah ayaa soo jebiyey albaabka, waxayna gudaha kusoo tuureen nin la soo toogtay, kadibna way baxeen. Laakiin waa goor dambe — wuu dhintay, mana suurtagelin in la badbaadiyo.”

BBC-da ayaa sidoo kale fariin muuqaal ah iyo maqal ah ka heshay mid ka mid ah dhakhaatiirta ku sugan isbitaal ku yaalla magaalada Shiraz ee koonfurta-galbeed maalintii Khamiista, kaasoo sheegay in tiro badan oo dhaawacyo ah la keenayo, isbitaalkuna uusan haysan dhakhaatiir ku filan oo la tacaali karta qulqulka.

Muuqaallada ka soo baxaya Iiraan waxay muujinayaan mudaaharaadayaal ku sugan Tehran oo habeenkii Jimcaha si ballaaran waddooyinka ugu soo baxay, gubaya gaadiid, iyo dhismiyaal dowladeed oo dab la qabadsiiyey Karaj, oo u dhow caasimadda.

Ciidamada Iran ayaa tan iyo xilligaas sheegay in ay ku biirayaan ciidamada ammaanka si ay u difaacaan hantida dadweynaha.

Tani waxay daba socotaa warbixinno sheegaya in ciidamada ammaanka ee Iiraan ay ku kala firdheen dalka oo dhan, maadaama rabshaduhu ku fideen guud ahaan dalka.

Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa Jimcaha soo saaray digniino isku dubbaridan oo taxane ah oo loo diray mudaaharaadayaasha, iyadoo Golaha Amniga Qaranka uu sheegay in tallaabo sharci ah oo ‘go’aan leh’ laga qaadi doono waxa ay ugu yeereen ‘burcadda hubaysan’.

Booliiska Iiraan ayaa ku adkaystay in aan qofna lagu dilin Tehran habeenkii Jimcaha, inkasta oo ay sheegeen in 26 dhisme dab la qabadsiiyey, taasoo keentay khasaare ballaaran.

Goobjooge ka qayb galay mudaaharaadyadii habeenkii Khamiista iyo Jimcaha ee Tehran ayaa Telefishinka BBC-da Af-Faaris u sheegay in jiilka Gen Z ee Iiraan ay door weyn ka qaateen ku dhiirrigelinta waalidiintooda iyo dadka waaweyn si ay u soo baxaan uguna biiraan socodka mudaaharaadyada, iyagoo ku boorrinaya inaysan cabsan.

Madaxa Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa Sabtidii sheegtay in Yurub ay taageersan tahay mudaaharaadyada ballaaran ee Iiraan, isla markaana ay cambaareysay ‘cadaadiska rabshadaha leh’ ee lagu hayo dibadbaxayaasha.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stéphane Dujarric ayaa Jimcaha sheegay in hay’adda caalamiga ah ay aad uga welwelsan tahay khasaaraha dhimashada.

‘Dadka adduunka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay si nabad ah u mudaaharaad sameeyaan, dowladduna waxay mas’uul ka tahay ilaalinta xaqaasi iyo hubinta in xaqaasi la ixtiraamo,’ ayuu yiri.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Ra’iisul Wasaaraha UK Sir Keir Starmer iyo Jansalaarka Jarmalka Friedrich Merz ayaa Jimcaha soo saaray bayaanno wadajir ah oo ay ku baaqayaan in mas’uuliyiinta Iiraan ‘ay u oggolaadaan xorriyadda hadalka iyo isu imaatinka nabdoon iyada oo aan cabsanayn cawaaqib.

Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa Jimcaha ku adkaystay khudbad telefishanka ka jeediyey isagoo yiri: ‘Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay awoodda ku qabatay dhiigga boqolaal kun oo dad sharaf leh, mana ka laaban doonto hortooda kuwa diidan arrintan.’

Hadallo dambe oo telefishanka dowladda laga baahiyey, Khamenei wuxuu ku celiyey in xukuumaddiisu ‘aysan ka gaabsan doonin la tacaalida waxyaabaha burburinaya’ kuwaas oo uu sheegay inay ‘isku dayayaan inay raalli geliyaan madaxweynaha Maraykanka’.

Dhinaca kale, wiilka Shah-kii ugu dambeeyey ee Iiraan, oo ee xukunkoodii lagu laalay kacdoon Islaami ah sanadkii 1979, ayaa mudaaharaadyada ku tilmaamay ‘heer sare’ wuxuuna ku baaqay in Iiraaniyiintu sii wadaan dhammaadka toddobaadka.

‘Hadafkeenu hadda ma aha oo kaliya in waddooyinka la soo baxo. Hadafku waa in la diyaariyo in la qabsado oo la haysto xarumaha magaalooyinka,’ ayuu Reza Pahlavi ku sheegay muuqaal baraha bulshada.

Pahlavi, oo ku sugan Maraykanka, ayaa sidoo kale sheegay inuu isku diyaarinayo inuu dalka ku soo laabto.

Laakiin safiirkii hore ee UK u fadhiyay Iiraan, Sir Simon Gass, ayaa barnaamijka Today ee BBC Radio 4 u sheegay in ‘aanay macquul ahayn inaan aad uga hormarno fikraddaah isbeddelka xukuumadda’ marka laga hadlayo isbeddelka hogaanka.

Wuxuu sheegay in maqnaanshaha mucaarad nidaamsan oo gudaha Iiraan ka jira ay la micno tahay in dadka aysan haysan qof kale oo lagu mideeyo xaalada hadda jirta.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in mudaaharaadyadu ay yihiin ‘dhaqdhaqaaq aad uga ballaaran’ marka loo eego kacdoonadii hore, kuwaas oo ka dhashay in Iiraaniyiintu ay ‘ku adkaatay inay ku noolaadaan xaaladda dhaqaale ee ba’an’.

Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in eedeymaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan ee ahaa in Washington iyo Israel ay kiciyayeen mudaaharaadyada ay ahaayeen ‘isku day khiyaali ah oo looga leexinayo’ dhibaatooyinka xukuumadda.

Taghi Rahmani, oo ah dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo Iiraan ah, kuna soo jiray xabsi 14 sano, isla markaana xaaskiisa, Narges Mohammadi oo ku guuleysatay Abaalmarinta Nabadda Nobel, dib loo xiray bishii Diseembar, ayaa sheegay in isbeddel kasta oo waara uu ka imaan karo Iiraaniyiinta, halkii uu ka iman lahaa faragelin shisheeye.

Mudaaharaadyadani waxay ahaayeen kuwa ugu baahsan tan iyo kacdoonkii 2022 ee ka dhashay dhimashadii Mahsa Amini oo ku dhimatay xabsiga, kadib markii booliska anshaxa u xiray sabab la sheegay in ay si khaldan u xirnayd hijab-keeda. In ka badan 550 qof ayaa la dilay, 20,000-na waa la xiray, sida ay sheegayaan kooxaha xuquuqda aadanaha.