Diktoorkii geerida: “Xarun caafimaad ayuu xabaalo u beddelay” isaga oo sumaynaya bukaannadiisa

0

Dhakhtar suuxiye ah (anesthesiologist) oo Faransiis ah, oo ay dacwad-oogayaashu u yaqaannaan “Digtoorkii Geerida”, ayaa lagu xukumay xabsi daa’in.

Dhakhtarka 53 jirka ah, Frédéric Pechier, waxaa lagu eedeeyay inuu si ula kac ah u sumeeyay 30 bukaan, isla markaana dilay 12 ka mid ah.

Maxkamad ku taalla magaalada Besançon ee bariga dalka Faransiiska ayaa Frédéric Pechier ku heshay dambiga ah inuu ku daray walxo keeni kara wadne-istaag ama dhiig-bax bukaanada lagu siinayay daawooyin xididka lagu duro.

Kan ugu da’da yaraa ee dhibbanayaashiisa ahaa wuxuu ahaa cunug afar jir ah. Sannadkii 2016, cunuggaasi wuxuu ka badbaaday laba wadne-istaag isagoo qalliin lagu sameynayay. qofka ugu da’da weyn ee dhibbanayaasha waa 89 jir.

Dacwad-oogayaashu waxay toddobaadkii hore ku sifeeyeen sidan: “Waxaad tahay dhakhtar dhimasho, sumeeye iyo dilaa. Waxaadna ceebaysay ku dhammaan dhakhaatiirta.” Waxay intaas ku dareen: “Waxaad isbitaalka u rogtay xabaal.”

Kiimikooyinka uu Pechier ku darayay xididdada dhiigga waxay bukaanada ku keeni karaan wadne-istaag ama istaroog, taasoo u baahan faragelin degdeg ah inta lagu jiro qalliinka.

Xaaladaha badankood, Pechier laftiisa ayaa sameyn jiray faragelinta degdegga ah; markaasna wuxuu u muuqan jiray badbaadiyaha bukaanka.

Laakiin 12 kiis, wuu ku guuldareystay inuu farageliyo, ama waa goor dambe farageliyay, bukaanadiina way dhinteen. Dacwad-oogayaashu waxay ku doodeen in Pechier uu sidaas u sameeyay si uu u sumcad-xumeeyo dhakhaatiirta kale ee suuxdinta, maadaama uu xanaf u qabay.

Xaalado badan, dhakhtarka suuxdinta ee asalka ah ma joogin. Waxaa la sheegay inuu isbitaalka iman jiray aroor hore si uu u carqaladeeyo habka daaweynta.

Kadib, marka xaaladdu sii xumaato, ayuu faragelin jiray isaga oo ogaada dhibaatada kuna qoraya dawooyin ka hortag ah.

Dhakhtarka markii ugu horreysay waxaa looga shakiyay sumeynta Sandra Simard oo 36 jir ah. Waxaa ku dhacday wadne-istaag intii lagu jiray qalliin laf-dhabar ah. Iyadoo miyir-beel ah ayuu Pechier farageliyay oo badbaadiyay nolosheeda.

Tijaabo lagu sameeyay bacaha faleebada ayaa muujisay in potassium-ku uu ahaa 100 jeer inta caadiga ah, waxaana xogta loo gudbiyay booliiska deegaanka.

Intii lagu jiray maxkamadeynta socotay laba toddobaad, Pechier wuxuu qirtay in qaar ka mid ah bukaannadii xanuunsaday ama dhintay laga yaabo in la sumeeyay, balse wuxuu ku adkeystay inuusan wax khalad ah sameyn.

“Horay ayaan u sheegay, mar kalena waan ku celinayaa, anigu ma ihi sumeeye… mar walba waan ixtiraamaa dhaarta caafimaadka,” ayuu yidhi.

Pechier wuxuu hadda ku qaadan doonaa ugu yaraan 22 sano xabsi, maadaama aan la xidhin intii maxkamaddu socotay.

Waxaa la siiyay toban maalmood oo uu racfaan ku qaato.