Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa ku dhawaaqday gole wasiirro cusub oo ka kooban 27 wasiir, taasoo ah isku shaandheyn ballaaran oo lagu sameeyay hoggaanka dowladda, tallaabadan ayaa qeyb ka ah dib u habeynta waxqabadka iyo kordhinta waxqabadka dowladda ee xilliga lixaad.
Madaxweyne Samia oo ka hadlaysay aqalka madaxtooyada Chamwino ee magaalada Dodoma ayaa sheegtay in isbedellada ay ku jiraan dhismaha wasaarado cusub, beddelaadda qaar ka mid ah wasaaradihii hore iyo in dowladda la soo dhexgaliyo wajiyo cusub.
Xubnaha la magacaabay markii ugu horeysay waxaa ka mid ah Wanu Ameir oo ah gabadha madaxweynaha oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, sayniska iyo tignoolajiyada iyo Paul Makonda oo laga soo doortay magaalada Arusha oo loo doortay inuu ka mid noqdo wasiir ku xigeennada wasaaradda warfaafinta, fanka, dhaqanka iyo ciyaaraha.


Mohammed Mchengerwa, wiilka ay soddogga u tahay Madaxweyne Samia
Madaxweyna Samia ayaa sidoo kale wasiirka caafimaadka u magacowday wiilka ay soddogga u tahay Mohammed Mchengerwa.
Waxay sidoo kale dib u soo celisay dhowr wasiir oo hore oo ay ku jiraan barafasoor Adolph Mkenda, Jumaa Aweso, barafasoor Makame Mbarawa iyo barafasoor Paramagamba Kabudi.
Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah wasiirradii caanka ahaa ee uu ka mid ahaa Xuseen Baashe oo ahaa wasiirka beeraha, ayaan ku soo noqon golaha wasiirada cusub.
Wasiirka beeraha ayaa haatan loo magacaabay Daniel Chongolo.
Aqalka looga arrimiyo dalkaasi Tanzania ayaa xaqiijiyay in dhammaanba wasiirrada iyo ku xigeennadooda la filayo in la dhaariyo maanta, iyadoo xafladda dhaarintooda ay ka dhacayso magaalada Dodoma.


Madaxweyne Samia Suluhu ayaa wajaheysa eedeymo badan
Madaxweyne Samia oo kowdii bishan ku guuleysatay doorashada Tanzania ayaa wajaheysa cambaareyn ah in dowladdeeda ay dadka caburiso isla markaana ciidanka dalkaasi ay awood u adeegsadeen joojinta bannaan-baxyadii ka dhashay doorashada.
Rabshadahaas ayaa la sheegay in dad badan ay ku dhinteen, iyadoo sidoo kale internet-ka laga jaray guud ahaan dalkaas.
Kooxo mucaarad ah ayaa sheegay in boqollaal qof la dilay, halka Qaramada Midoobay ay sheegtay in toban qof la dilay, balse dowladda way beenisay sheegashadaas.
Sidoo kale, dowladda Tanzania ayaa sheegtay in tallaabooyinka lagu xaddiday internet-ka aanay ujeeddadoodu ahayn in lagu cabburiyo muwaadiniinta, balse ay ahaayeen kuwo lagu sugayay amniga.
Ciidamada Tanzania ayay BBC-du xaqiijisay inay awood u adeegsadeen dibadbaxyadii dalkaasi ka dhacay
Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu oo isku shaandheysay golaheeda wasiirrada bishii January ee sanadkii 2022 ayaa wasaarad muhiim ah u magacaawday siyaasigan asalkiisa kasoo jeeda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa Xuseen Maxamed Baashe waxay markaa u magacaawday wasiirka wasaaradda beeraha dalka Tanzaania, isaga oo horay u soo ahaa wasiir ku xigeenka wasaaraddaas.
Isku shaandheynta ayaa ku soo beegantay dhowr maalmood un kaddib markii ay sheegtay iney fasaxeyso shakhsiyaadka doorashada 2025-ka u hanqal taagayay.
Haddaba waa kuma Xuseen Maxamed Baashe?


Xuseen Maxamed Baashe waxa uu 26-kii August 1975 ku dhashay gobolka Nzega, magaalada Tabora ee dalka Tanzania.
Wuxuuna siyaasadda uu ku soo biiray xilliyadi uu dugsiga sare ka baxay.
Waa siyaasi reer Tanzania oo ka tirsan xisbiga talada haya ee CCM, waana xildhibaan ka tirsan baarlamanka dalkaasi oo 2015-kii deegaan doorashada Nzega laga soo doortay. Wuxuuna soo ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha.
Xuseen oo dalka Tanzania caan ka ah, siyaasadda ka sokoow waxaa lagu yaqannaa inuu yahay ganacsade weyn oo dhanka beeraha horumar ka gaaray.
Wax soo saarka beeraha dhaqaalaha guud ee dalka Tanzania wuxuu ka qaataa 65% halka wax soo saarka dalka Tanzania uu dhoofiyo 24% ay yihiin wax soo saarka beeraha.
Seddex meelood laba meel shacabka dalka Tanzania ku nool noolashooda waxay ku tiirsan tahay wax soo saarka beeraha.




















