Eritrea: “Itoobiya waxay iclaamineysaa dagaal ku saabsan Badda Cas”

0

Itoobiya “waxay dagaal u iclaamineysaa” Eritrea kaasoo ku aaddan fekradda helidda bad, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Yemane G/Masqal.

Wuxuu dowladda Abiy Axmed ku eedeeyay inay sharraxayso sababo ku filan inay u heystaan inay dagaal kula galaan Eritrea, sida uu ku qoray bartiisa X.

“Waxay aflagaaddo ku tahay madax-bannaanida Eritrea in si joogto ah loogu dhawaaqo ‘waa inaan xoogag militari ka sameynaa Badda Cas ‘ si xoog ah,” ayuu bartiisa X ku qoray Yemane G/Masqal.

Wuxuu sidoo kale Itoobiya ku eedeeyay in labadii sano ee lasoo dhaafay ay ka shaqeyneysay sidii ay isaga dhigi lahayd “mid ku taagan is difaacid” si ay dagaal ugu qaaddo Eritrea.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Gideon Timothy ayaa dhowaan sheegay in dowladda federaalka aysan ka sii aamusnaan doonin in ay qaado tallaabo ka dhan ah “xadgudubka” Eritrea ay ku sameysay “madaxbannaanida dhuleed” ee Itoobiya

Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay in Cassab ay u leedahay “muhiimad sare” dowladda federaalka sababtuna waxa uu ku sheegay in ay “ku maalgeliyaan hanti badan dakadda Cassab ka hor iyo kaddib markii ay Eritrea ka go’aday Itoobiya.

Dr. Gideon hadalkaas waxa uu shalay ka sheegay madal siyaasadeed oo ay soo qabanqaabiyeen hay’ada Horn Review iyo jaamacadda Addis Ababa.

Wasiirka waxa uu madasha ka sheegay siyaasada Itoobiya ee la xiriita waxyaabihii ugu dambeeyay ee ka soo kordhay gobolka geeska Afrika. Madasha waxaa sidoo kale joogay diblomaasiyiin iyo safiiro ka kala socday dalal badan.