TPLF oo caalamka u dirtay baaq ku aaddan Itoobiya

0

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay cadaadis diblumaasiyadeed ku saaraan dowladda federaalka Itoobiya si ay u “joojiso colaadda oo ay u ixtiraamto heshiiskii Pretoria,” iyadoo ay sii kordhayso xiisadda u dhexeysa saxiixayaasha iyo cabsida sii kordheysa ee laga qabo in dib loo bilaabo colaadda.

Baaqan ayaa daba socda eedaymo ay kooxda TPLF oo ah xisbiga muhiimka ah ee dagaalka Tigray-ga u jeedisay dawlada federaalka oo ay sheegtay inay jabisay heshiiskii nabadda kadib markii ay duqayn diyaaradeed ku qaadday ciidamada Tigray-ga subaxnimadii Jimcaha.

Warqad furan oo ay u dirtay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayay kooxda TPLF ku eedaysay dawladda dhexe in ay taageerto koox goonni u goosad ah oo Tigree ah oo hubaysan oo ka hawlgasha gobolka ay dariska yihiin ee Canfarta.

Arbacadii, maamulka Canfarta ayaa ku eedeeyay ciidamada Tigreega in ay u soo gudbeen dhulkooda, iyaga oo sheegay in ay weerareen tuulooyin dhowr ah ay xoog ku qabsadeen.

Dowladda federaalka ayaan weli ka hadlin eedeyntan ugu dambeysay; si kastaba ha ahaatee waxay hore ugu eedaysay kooxda TPLF inay jabisay heshiiskii nabada ayna khalkhal galisay gobolka.

Mas’uul sare oo ka tirsan qaybaha amniga ee Tigray ayaa u sheegay BBC-da in dawladda Itoobiya ay duqayn diyaaradeed ku qaaday iyaga.

Mas’uulka ayaa sheegay in weerarku ka dhacay meel u dhow xadka u dhexeeya gobollada Tigrayga iyo Canfarta.

Ilaa hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo ka soo baxaysa dhinaca dawladda federaalka Itoobiya oo arrintaas ku saabsan.