Qareen Israa’iili ah oo la xiray kadib markey “u hiillisay maxbuus Falastiini ah oo tacaddi lagula kacay”

0

Qareenkii hore ee ugu sareeyay militariga Israa’iil ayaa la xiray, iyadoo ay sii qoro dheeraaneyso xaalad siyaasadeed oo salka ku haysa faafitaanka muuqaal la sheegay in uu muujinayay tacaddiyo ba’an oo askarta Israa’iil ay kula kacayaan maxbuus Falastiini ah.

Sarreeye Guuto Yifat Tomer-Yerushalmi ayaa iska casishay xilkeeda u doodaha guud ee ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) usbuucii hore, iyadoo sheegtay inay si buuxda u qaadatay mas’uuliyadda dusinta muuqaalka.

Axaddii, sheekadu waxay yeelatay waji madow markii la sheegay inay maqan tahay, iyadoo booliisku ay muddo saacado ah ka baadi goobayeen xeebta waqooyiga Talaabiib.

Kadibna waxaa la helay iyadoo nool oo aan wax dhib ah qabin, sida ay booliisku sheegeen, laakiin ka dib xabsiga ayaa loo taxaabay.

Falcelinta ka soo baxday muuqaalka la faafiyay ayaa sii kordhaysa maalinba maalinta ka dambaysa.Muuqaalka oo laga baahiyay kanaalka wararka Israa’iil bishii Agoosto 2024, ayaa wuxuu muujinayaa askar hore oo ku sugan saldhigga milatari ee Sde Teiman ee koonfurta Israa’iil oo meel gaar ah geynaya maxbuus, ka dibna ay ku hareereeyeen qalab si ay u hor istaagaan in la arko, iyada oo la sheegay in la garaacay gadaal dambena laga geliyay shey af leh ama mudac ah.

Maxbuuska ayaa laga daweeyay dhaawac culus oo soo gaaray.

Shan ka mid ah askarta kaydka ayaa lagu soo oogay dacwado ku aaddan inay ku kaceen xadgudubyo daran oo ay dhaawac halis ah u geysteen maxbuuska. Waa ay beeniyeen eedeymaha, lamana magacaabin cidda ay yihiin.

Axaddii, afar ka mid ah kuwa kaydka ayaa soo xirtay af-xir madow ah si ay u qariyaan wejigooda, iyagoo ka soo muuqday shir jaraa’id oo ku yaal bannaanka Maxkamadda Sare ee Jerusalem oo ay weheliyaan qareennadooda, kuwaas oo dalbaday in la joojiyo maxkamadeyntooda.

Adi Keidar, oo ah qareen ka socda ururka garabka midig ee gargaarka sharciga ee Honenu, ayaa ku andacooday in macaamiishiisa lagula kacay “khalad, eex iyo habraac sharci oo lasoo dhoodhoobay”.

Isniintii, waxaa soo baxday in maxbuuska udub-dhexaadka u ah kiiska lagu sii daayay Qasa bishii Oktoobar taas oo qayb ka ahayd is-weydaarsiga Xamaas ee maxaabiista la xukumay iyo kuwa ay Israa’iil ku hayso dacwad la’aan oo ay Xamaas oo ay uga beddelatay la heystayaasha ay Xamaas hayeen tan iyo 7 Oktoobar 2023.

Toddobaadkii hore, waxaa la bilaabay baaritaan dembi oo ku saabsan dusinta muuqaalka.

Gen Tomer-Yerushalmi ayaa fasax la galiyay inta uu baaritaanku socday.

Jimcihii, wasiirka difaaca Israa’iil Israel Katz ayaa sheegay in aan loo oggolaan doonin in ay ku soo laabato booskeeda.

Wax yar ka dib, Gen Tomer-Yerushalmi ayaa is casishay.

Warqadda is casilaaddeeda ayay ku sheegtay inay si buuxda u qaadatay mas’uuliyadda wax kasta oo laga sii daayay warbaahinta.

“Waan ansixiyay inay warbaahinta sii deyso muuqaalka si looga hortago dacaayad been abuur ah oo ka dhan ah hay’adaha fulinta sharciga ee ciidanka,” ayay tiri.

Taasi waxay tixraac u tahay dadaallada qaar ka mid ah siyaasiyiinta garabka midig ee Israa’iil ay ku andacoonayaan in eedeymaha xadgudubka ba’an ee lagu hayo maxbuuska Falastiin la been abuuray.

Waxay intaas ku dartay: “Waa waajib naga saaran inaan baaritaano mar kasta oo tuhun macquul ah uu jiro oo ku aaddan falalka rabshadaha ka dhanka ah maxbuuska.”

Iscasilaaddeeda ka dib, Katz wuxuu soo saaray cambaarayn ba’an oo ku saabsan hab-dhaqankeeda.

“Qof kasta oo faafiya been-abuur ka dhan ah ciidamada IDF kuma habboona inuu xirto dareeska ciidanka,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku celceliyay hadalkii wasiirkiisa gaashaandhigga Axaddii, isagoo sheegay in dhacdadii Sde Teiman “laga yaabo inay tahay weerarkii ugu xumaa ee xiriirka dadweynaha ee ay wajahdo dowladda Israa’iil tan iyo markii la aasaasay”.

Saacado ka dib, waxaa warbaahinta Israa’iil ka soo baxay wararkii ugu horreeyay ee sheegaya in Gen Tomer-Yerushalmi ay maqan tahay, taasoo dhalisay cabsi laga qabo in fadeexadda siyaasadeed ay isu beddesho masiibo.

Dadaal baaxad leh ayaa la bilaabay. Dhowr saacadood ka dib, waxaa “iyadoo bad qabta oo caafimaad qabta” laga helay aagga xeebta ee Herzliya, sida uu sheegay booliiska Israa’iil.

Habeennimadii, afhayeen u hadlay booliiska wuxuu ku dhawaaqay in labo qof loo xiray tuhunka “wax faafinta iyo dambiyada kale ee culus” taas oo qayb ka ah baaritaanka.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay in labada qof ay kala ahaayeen Gen Tomer-Yerushalmi iyo madaxii hore ee dacwad-oogaha militariga, Col Matan Solomosh.

Dhacdada Sde Teiman waxay udub-dhexaad u ahayd kala qaybinta bidix iyo midig ee Israa’iil.

Dhanka midig, faafinta muuqaalka ayaa lagu dhaleeceeyay inay tahay meel ka dhac lagu sameeyay millatariga Israa’iil iyo fal khiyaano qaran ah.

Ka dib markii booliiska milatariga Israa’iil ay tageen Sde Teiman si ay su’aalo uga weydiiyaan 11 ciidamada keydka dhacdadii bishii Luulyo 2024, dibadbaxayaasha midigta fog – oo ay ku jiraan ugu yaraan saddex xildhibaan oo ka tirsan isbahaysiga maamulka Netanyahu – ayaa u dhacay xarunta si ay u muujiyaan taageeradooda.

Dhinaca bidix, go’aanka Gen Tomer-Yerushalmi ay ku fasaxday in muuqaallada la sii daayo ayaa loo arkaa in ay ahayd markii ay ka soo baxday mas’uuliyadda xilkeeda.

Muuqaalka waxa ay qolada bidixda u arkaan caddayn la taaban karo oo taageeraysa warbixinno badan oo ku saabsan tacaddiyada maxaabiista Falastiiniyiinta tan iyo weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay 7dii Oktoobar 2023 ee ay ku qaadday Israa’iil.

Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, warbixin uu soo saaray guddi baaritaan oo Qaramada Midoobay ah ayaa lagu eedeeyay in kumannaan carruur iyo dad waaweyn ah oo laga soo qabtay Qasa “loo geystay xadgudubyo baahsan oo nidaamsan, jirdil jismi iyo maskaxiyan ah, iyo xadgudubyo jinsi ku salaysan oo u dhigma dembiga dagaal iyo dembiyada ka dhanka ah bani’aadamnimada ee jirdilka iyo kufsiga iyo noocyada kale ee xadgudubyada galmada”.

Xukuumadda Israa’iil ayaa sheegtay inay diidday eedaymaha ku aaddan in si xun loola dhaqmay iyo jirdilka baahsan ee maxaabiista, waxayna ku adkaysatay inay “si buuxda uga go’an tahay ku dhaqanka heerarka caalamiga ah ee sharciga ah”. Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay baaritaanno dhab ah ku sameysay cabasho kasta.