Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ee Kismaayo

0

Maalintii labaad ayuu galay shirka magaalada Kismaayo ku dhexmaraya madaxweynaha dawladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Illo wareedyo ku dhaw shirka ayaa BBC-da u sheegay in labada mas’uul ay kulmeen seddex jeer tan iyo markii shalay shirku bilowday.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wali ku dhaggan aragtida ah in doorashadii Kismaayo ka dhacday Noofeembar 2024 ee Axmed Madoobe loogu doortay madaxweynaha Jubaland ay waxba kama jiraan tahay, isla markaan uu ku soo laabto kulamada Golaha Wadatashiga Qaranka.

Axmed Madoobe ayaa isna ku dhaggan in doorashadii dhacday Noofeembar 2024 aan wax gorgortan ah laga gali karin, iyo in laga laabto warqaddii waaranka ahayd ee loo jaray isaga si loo soo xiro, qodobadaas badalkoodadana uu dawladda federaalka kala shaqaynayo geedi socodka dawlad dhiska Soomaaliya.Lama oga sida dhinacyadu uga tanaasuli doonaan qodobbada ay ku kala dhaggan yihiin iyo haddii meel dhexe la isugu imaan karo, laakiin waxa socda dadaal kale oo barbar socda wadahallada oo ay wadaan xubno ka socda dawladdaha Kenya iyo Itoobiya oo doonaya in heshiis la gaaro.