FBI-da Maraykanka oo ayaa baadhaysa toogasho ka dhacday iskuul ku yaalla Minneapolis oo ay ku dhinteen 2 caruur ah, 17 kalena ay ku dhaawacmeen. Waa dhacdo lagu tilmaamay dambi nacayb ka dhan ah Catholic-ga, sida ay sheegtay FBI-du.
“FBI-du waxay u baadhaysaa toogashadan oo ah fal argagixisanimo gudaha ah iyo dembi nacayb oo ka dhan ah Catholic-ga,”
ayaa uu yidhi Agaasimaha FBI-da Kash Patel oo qoraal uu soo dhigay barta X.
Labada carruurta ah ee dhintay ayaa da’doodu kala ahayd 8 iyo 10 jir, waxaanay geeriyoodeen markii uu ninka weerarka soo qaaday uu rasaas kaga furay daaqadaha Kaniisad ku taalla magaaladaasi, Subaxnimadii Arbacada xilli ay carruurtu dabaaldegyo samaynayeen.