Maxaa ka socda guriga Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Mareykanka?

0

Saraakiisha FBI-da ayaa Jimcihii baaray guriga iyo xafiiska Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Mareykanka John Bolton, taasoo qeyb ka ah wax u muuqda baaritaan lagu hayo qaabkii uu u adeegsaday xogo sir ahaa.

Waxaa xusid mudan in kaaliyahan caanka ah ee xisbiga Jamhuuriga uu noqday mid kamid ah dadka sida aadka ah u dhaliila Trump kadib markii uu iska casilay maamulkii ugu horeeyay ee Trump 2019. Aqalka Cad ayaa horay ugu eedeeyay inuu si khaldan u adeegsaday buug uu qoray 2020 oo ku saabsanaa waqtigii uu u shaqaynayey madaxweyne Trump.

FBI-da si faahfaahsan ugama hadlin arrintan, balse ilo-wareedyo xog-ogaal u ah baaritaanka ayaa CBS News u sheegay in qeyb ahaan ay la xiriirto dukumentiyo sir ah.

Bolton, oo aan weli ka hadlin baaritaanka, ayaan wali la xirin, welina laguma soo oogin wax kiis dambiyeed ah.

Suxufiyiintu mar ay wax ka waydiiyeen baaritaanka, Trump waxa uu sheegay in aanu doonayn in uu “ku lug yeesho” arrintan, balse waxa uu Bolton ku tilmaamay “wax shil ah”. Wuxuu sheegay in uusan si toos ah u amrin baaritaanada.

Wareysi uu siiyay NBC News, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka J.D. Vance ayaa sheegay in dukumiintiyada sirta ah ay “run ahaantii qeyb ka yihiin (baaritaanka),” sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyay “walaac ballaaran” oo laga qabo Bolton, isagoo aan bixin faahfaahin dheeri ah.

Waxa uu sheegay in FBI-da aysan gudbin doonin dacwad ka dhan ah Bolton ilaa ay “xaqiijiso in uu sharciga jebiyey”, isaga oo intaa ku daray in baaritaanku uusan ahayn mid siyaasadeysan, sida ay sheegeen siyaasiyiinta Dimuqraadiga.

Baabuurta booliiska iyo saraakiil ka tirsan FBI-da ayaa lagu arkayay guriga Bolton, oo ku yaalla Bethesda, Maryland oo ku taalla duleedka magaalada Washington, D.C., subaxnimadii Jimcaha, waxaana la arkayay qaarkood oo guriga ka so saaray sanaadiiq.

Bayaan ay FBI-du u dirtay CBS waxay ku sheegtay inay aaggaas ka samaynayso dhaqdhaqaaq la oggol yahay. Saraakiisha FBI-da ayaa sidoo kale lagu arkay xafiiska Bolton ee Washington, D.C.

Suxufiyiintu mar ay wax ka waydiiyeen baaritaanka, Trump waxa uu sheegay in aanu doonayn in uu “ku lug yeesho” arrintan, balse waxa uu Bolton ku tilmaamay “wax shil ah”. Wuxuu sheegay in uusan si toos ah u amrin baaritaanada