In la heeso ma caafimaad baa ku jira?

0

Dad badan ayaa jecel inay heesaha dhageystaan, balse cilmi baareyaal ayaa sheegay in heesidda ay sidoo kale u wanaagsan tahay caafimaadka qofka.

Sida ay khubaradu sheegeen, in la heeso waxay dadku ka heli karaan caafimaad dhinaca neefsashada ah iyo in qofka ay ka yaraadaan xanuunnada dhinaca sambabbada ah .

Xitaa in la heesho waxay wax badan u tartaa dadka xasuustoodu dhuntay, kuwaasoo marka ay codkooda ku heesaan ay maskaxdooda ka soo rayso xaaladdii ay ku jirtay.

Muddadii 20-ka sano ahayd ee lasoo dhaafay, cilmibaareyaal badan ayaa isku dayay inay aruuriyaan faa’iidooyinka caafimaad ee dhinacyada maskaxda, jirka ee laga dhaxlo qaadidda heesaha.

Barfasoor Daisy Fancourt, oo ka tirsan Jaamacad ku taalla magaalada London ayaa sheegtay in isbadallo dhowr ah ay ku dhacaan jirka, marka uu qofku heesayo.

“Heesiddu waxay ka mid tahay hababka dawo ahaanta loogu isticmaalo dadka qaba xanuunnada qaar. Horay ayey dhakhaatiir badan u sheegeen in heesitaanka uu caawiyo horumarinta howlaha maskaxda. Waxaa kale oo ay dadka u sahashaa inaysan dareemin in la karantiilay,” ayay tidhi Barfasoor Fancourt oosameysay cilmi baaris aad u xeel dheer oo ku saabsan arrintan.