Doon siday in ka badan boqol iyo konton qof oo tahriibayaal ah oo ku degtay xeebaha koonfureed ee dalka Yemen

0

Doon siday in ka badan boqol iyo konton qof oo tahriibayaal ah oo ku degtay xeebaha koonfureed ee dalka Yemen

 

In ka badan 60 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay ka dib markii doon ay la socdeen ku dhawaad 150 qof oo ku degtay xeebaha dalka Yemen oo cimiladu xumayd Axaddii shalay ahayd.

Doonta ayaa ku degtay gobolka Abyan ee koonfurta Yemen, waxaana la helay meydadka 68 qof, sida uu BBC u sheegay madaxa Hay’adda Socdaalka Caalamiga ee ee IOM.

Wuxuu sheegay in 12 qof la soo badbaadiyay, tobanaan kalena wali la la’yahay.

Inta badan dadka la laayay ayaa la rumeysan yahay inay u dhasheen dalka Itoobiya, ayay tiri IOM oo dhacdadan ku tilmaantay mid laga xumaado.

Yemen ayaa weli marin weyn u ah muhaajiriinta ka imaanaya Geeska Afrika ee u socdaalaya dalalka Khaliijka Carabta si ay shaqo u raadsadaan, iyadoo hay’adda IOM ay ku qiyaastay boqollaal qof oo ku dhintay ama lagu la’yahay doon ku degtay bilihii la soo dhaafay.