Waa kuma Cumar Faatax, Soomaaliga ku guuleystay u tartamidda duqa magaalada Minneapolis?

0

Xisbiga Dimuquraadiga dalka Mareykanka laantiisa gobolka Minnesota ayaa taageeray ololihii Cumar Faatax ee gobolkaas ee uu u tartamayey duqa magaalada Minneapolis. 

Xisbiga ayaa ka baaqsaday in uu taageero duqa xilka haya Jacob Frey, oo sidoo kale ah Dimuqraaddi.

Gobolka Minnesota ayaa waxaa ku badan Soomaalida islamarkaana xilal kala duwan ayay muddooyinkii u dambeeyay ka qabteen gobolkaasi.

Qoraal uu soo dhigay X, ayuu Cumar ku sheegay inay sharaf u tahay inuu noqdo musharraxa la ansixiyay ee duqa magaalada Minneapolis.Aqbaliddani waa fariin ah in reer Minneapolis ay ka daaleen ballamaha aan la fulin, diidmo qayaxan, iyo siyaasad sidii caadada ahayd. Waa waajib in la dhiso magaalo annaga dhan noo wada shaqaynaysa,” ayuu yiri.

Madaxa ololaha ee duqa hadda Jacob Frey ayaa soo saaray bayaan ka dib codbixinta, isagoo leh, “Doorashadan waa in ay go’aamiyaan magaalada oo dhan halkii ay ka ahaan lahayd koox yar oo dad ah oo noqday ergooyin.”

Ololaha Frey waxa uu damacsan yahay in uu cabasho u gudbiyo gobolka DFL.

Si loo helo taageero, musharraxa waa inuu helaa 60% codadka.

Cumar hore ayuu xil uga hayey baarlamaanka gobolka, waxuuna hadda doonayaa inuu hoggaamiyo magaalo ay ku nool yahiin haaf milyan qof oo la ciirciiraysa dad badan oo guryo la’aan ah, dembiyo hubaysan oo maalin walba dhacaya, magaalo soo galootigu ku badan yahay oo Madaxwayne Trump-na uu isha ku hayo.

Ninkan ayaa la kulmayay caqabado dhanka naceybka ah isagoo 14-kii bishan bartiisa X uga jawaabay qoraal Islaamka ka dhan ah oo uu soo qoray siyaasiga muxaafidka ah Charlie Kirk.

Faatax ayaa ka jawaabay qoraalka Kirk, isagoo yiri: “Minneapolis waa magaalo si qurxoon ay kala duwanaansho uga jirto taasoo si adag ugu taagan qiyamkeenna. Naceybka aan maanta arkay – iyo maalmo badan – ma aha waxa aan abid ahaan doonno.”