AUSSOM oo war ka soo saaray diyaaradii ku dhacday garoonka Muqdisho iyadoo wararkalena sheegayan in dhulka laga toogtay

0

AUSSOM oo war ka soo saaray diyaaradii ku dhacday garoonka Muqdisho 

War qoraal oo ay soo saareen howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya ayaa looga hadlay diyaar nooca qumaatiga u kacda oo ay leeyihiin milatariga dalka Uganda oo ku burburtay garoonka diyaaraddaha ee Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

War saxaafadeedka AUSSOM ayaa lagu yiri: – Arbacadii abbaare 7:30 subaxnimo, diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo leeyihiin Militariga Uganda ee ka mida howlgalka Midowga Afrika ayaa si halhaleel ah degtay wax yar ka hor inta aysan soo gaarin garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, xilli ay ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee Ballidoogle.

Saddex qof oo ka mid ahaa siddeed rakaab ah oo saarnaa diyaaradda ayaa si degdeg ah loo badbaadiyey, waxaana loo qaaday Isbitaalka Heerka Labaad ee AUSSOM ee Muqdisho si loogu fidiyo daryeel caafimaad.

Hawlgalka baadigoobka iyo badbaadinta ayaa wali socda si loo helo xubnaha kale eeshaqaalihii iyo rakaabkii hadhay.

warar kalena waxy tibaaxayan oo ka madax banan AUSSOM in diyaarada dhulka laga toogtay loona maleynayo All shabab in ku lug leedahay,

Dhanka kale, maamulka duulista ayaa bilaabay baaritaanno lagu ogaanayo waxa sababay shilkan sida lagu yirii warsaxaafadeedka.