Xogta Sirdoonka Maraykanka oo sheegtay in Duqeymihii ay ku qaadeen Iiraan aysan burburin Nukliyeerkii dalkaas

0

Duqeymihii Mareykanka ee xarumaha Nukliyeerka Iran ma aysan burburin barnaamijka Nukliyeerka ee dalka, waxaana laga yaabaa inay dib u dhigaan bilo, sida lagu sheegay qiimeyn sirdoon oo hor-dhac ah ee Pentagon.

Kaydka uranium-ka la tayeeyey ee jamhuuriyadda islaamiga ah laguma baa’bin weerarkii Sabtidii, sida ay ilo-wareedyo aqoon u leh qiimaynta sirdoonka difaaca u sheegeen warbaahinta CBS ee Mareykanka.

Aqalka Cad ayaa sheegay in qiimeynta “qaldan” ay dusiyeen “shaqaale heerkoodu hooseeyo oo ka tirsan sirdoonka”.

Madaxweyne Donald Trump ayaa mar kale ku dhawaaqay in goobihii Nukliyeerka ee Iran ay “gebi ahaanba burbureen” wuxuuna ku eedeeyay warbaahinta “isku day lagu doonayo in lagu dhimo mid ka mid ah weerarradii militari ee ugu guulaha badnaa taariikhda”.

Maraykanka ayaa saddexda xarumood oo Nukliyeer oo ay Iran leedahay oo kala ah – Fordo, Natanz iyo Isfahan ku dhuftay- bambooyinka loo yaqaano “bunker buster” oo awood u leh inay galaan 18 mitir oo u dhiganta 60 ft dhulka hoostiisa ka hor intaanay qarxin.