
Xamaas waxay sheegtay inay sii deyn doonto Edan Alexander, oo ah maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah, laguna tuhunsan yahay inuu yahay maxbuuskii ugu dambeeyay ee haysta dhalashada Mareykanka ee weli nool gudaha Qasa, taasoo qayb ka ah dadaallo lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin.
Go’aanka ayaa yimid kahor booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku tagayo Bariga Dhexe maalinta Talaadada. Xamaas ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadani qayb ka tahay fududeynta heshiis lagu ogolaanayo in gargaarka bani’aadannimo uu tago Qasa. Qasa ayaa ku jirtay go’doon dhanka Israa’iil ah muddo 70 maalmood ah.
Horay, sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan ayaa u sheegay BBC-da in kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ay wadahadallo toos ah la leeyihiin mas’uul ka tirsan maamulka Mareykanka oo ku sugan Qatar.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in Mareykanka uu ka warbixiyay qorshaha Xamaas ee ah in la sii daayo Alexander.
Â
Sarkaal sare oo Falastiini ah oo xog-ogaal u ah wadahadallada ayaa BBC-da u sheegay in hadalka Xamaas uu ahaa mid muujinaya rabitaanka wanaag kahor imaatinka Trump.
Wuxuu sheegay in kulan kale oo u dhexeeya Xamaas iyo dhexdhexaadiyeyaasha la qorsheeyay inuu dhaco aroorta hore ee saaka oo Isniin ah, si loo dhammeystiro hannaanka sii-deynta Edan, taasoo u baahan doonta hakin ku-meel-gaar ah ee howlgalka milatari ee Israa’iil iyo joojinta duqeymaha cirka inta lagu guda jiro wareejinta.
Madaxweyne Trump ayaa xaqiijiyay sii-deynta Alexander qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ee Truth Social, isagoo ku tilmaamay “war weyn” iyo “tallaabo muujinaysa daacadnimo”.
Alexander oo ku dhashay Tel Aviv balse ku barbaaray gobolka New Jersey ee Mareykanka, waa 21 sano jir wuxuuna u adeegayay cutub ciidan oo khaas ah oo ku sugan xadka Qasa xilligaas markii ay Xamaas qaadday weerarkii 7-dii Oktoobar.
251 maxbuus ayaa la qabsaday intii lagu guda jiray weerarkii Xamaas ee 2023, waxaana gudaha Qasa wali ku haray 59 ka mid ah, iyadoo ilaa 24 la aaminsan yahay inay nool yihiin.
Shan ka mid ah maxaabiista Qasa ku sugan ayaa la rumeysan yahay inay yihiin muwaadiniin Mareykan ah, waxaana Alexander loo aaminsanyahay inuu yahay qofka keliya ee wali nool.
Xamaas waxay ku sheegtay bayaan ay soo saartay in sii-deyntu qayb ka tahay dadaallo lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin, lana oggolaado in raashin, dawooyin iyo sahay kale oo bani’aadanimo loo oggolaado gudaha Qasa — oo 70 maalmood ku jirtay go’doon buuxa oo Israa’iil ay saartay.
Kooxdu waxay sheegtay inay doonayso in la gaaro heshiis kama dambeys ah oo lagu soo afjaro dagaalka.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in Mareykanka uu la socodsiiyay niyad-samida Xamaas ay muujisay ee la xiriirta sii-deynta Alexander, taasoo loogu talagalay in ay “aragti u noqoto Mareykanka”, islamarkaana lagu wado inay keento wadahadallo dheeraad ah oo ku saabsan maxaabiista kale.