Xisbiga Libaraalka oo ku guulaystay doorashada Canada iyo dabaal-degyo ka socda magaalooyinka dalkaas

0

Xisbiga Libaraalka oo ku guulaystay doorashada Canada iyo dabaal-degyo ka socda magaalooyinka dalkaas

Raysal wasaaraha cusub ee Canada oo ka hadlay arrinta Trump, ballan qaadayna inuu shaqooyin badan abuuri doono

Dib u soo noqoshada raysal wasaare Carney ayaa waxa uu diiradda ku saarayaa xiriirka Canada iyo Mareykanka, Carney hadda wuxuu dareenkiisa ku wajahan yahay madaxweynaha Mareykanka. Waxa uu sheegay in isaga iyo Donald Trump ay “ka wadahadli doonaan mustaqbalka laba dal oo kala madax-bannaan . Dawladda Libaraalka ayaa xoojin doonta iskaashiga dalalka Yurub iyo meelo kale, ayuu raaciyay hadalkiisa.

Haddii Maraykanku aanu doonayn in uu safka hore kaga jiro hoggaanka adduunka, Canada waxay ahaan doontaa waddama haya hoggaanka, Carney ayaa sidaas u sheegay taageerayaashiisa. Waxa uu sheegay in Canada ay noqon doonto dal awood weyn ku leh tamarta, dawladdiisuna ay abuuri doonto shaqooyin xoobadan, isaga oo intaa ku daray: “Tani waa Canada, waxaanu go’aansanay waxa halkan ka dhacaya.”

 

Mark Carney ayaa u sheegay taageerayaasha xisbigiisa in is-dhul dhigidiisu ay ka dhigan tahay la shaqaynta dhammaan dhinacyada dawladda, la shaqaynta gobollada iyo dadka asaka ah ee dalka Canada.

Waxa uu sheegay in uu doonayo in uu isu keeno shaqaalaha, ganacsatada iyo bulshada rayidka ah. Carney waxa uu sheegay in uu muddo bilo ah ka digayey in Maraykanku uu “doonayo dhulkeenna, kheyraadkeenna, dalkeenna”.

Dadka uu la hadlayay oo aad u badnaa ayaa ku dhawaaqayay, “Weligeed ma dhici doonto”.

“Madaxweyne Trump waxa uu isku dayayaa in uu na jebiyo si uu Maraykanku noo yeesho, taasi weligeed dhici mayso,” Carney ayaa sidaa yiri.