Dagaal xooggan ayaa laga soo tabiyay aroornimadii hore ee saakay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe Dhexe ee Soomaaliya, dagaalkan ayaana u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo ururka al-Shabaab. Warar kala duwan oo aan si madax bannaan loo xaqiijin karin ayaana kasoo baxaya dagaalkan.
Ciidamada Soomaaliya ayaa magaaladan ka qabsaday ururka al-Shabaab bishii December 2022, xilligaas oo uu socday guluf balaadhan oo ka dhan ah ururka al-Shabaab waana wajigii koowaad ee howlgallada uu hoggaaminaayay madaxweynaha Soomaaliya. Qabsashadaan ayaana ahayd mid muhiim u ah dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa labaduba sanadkan dhexdiisa booqday kadib markii ururka al-Shabaab laga qabsaday degmaadan.
Illaa hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan dhacay, dowladda Soomaaliyana wax war ah kamasoo saarin dhacdadaan. Qoraal la sheegay in uu kasoo baxay ururka al-Shabaab balse ayna BBC-du xaqiijin karin ayaase muujinaya ururka oo sheeganaya in ay qabsadeen magaalada.
Muuqaallo ayaa sidoo kale baraha bulshada lagu baahiyay kuwaasoo muujinaya gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ururka al-Shabaab oo dhex socda meel lagu sheegay in ay tahay magaalada, walow iyaguna ayna ahayn kuwo si madax bannaan loo xaqiijin karo.