sanadkii tagey ee 2024 dabayaqadasiisi waxa turkigu faafiyay in heshiisyo hordhac ah oo hoos loogu dhigayo murankii siyaasiga ahaa e dhex marey Muqdsisho iy Addis Ababa laga gaadhay heshiis bilow ah , halka wadhadalo kalena layskugu soo noqon doono sanadka 2025 bisha labaad ,
hadaba kulnakii hore waxba kama soo bixin ama qodobo la taaban karoo oo lasii ambaqadi karo, kan danbe e la isku arkayna waxa muuqda oo la odhan karo waa la gaadhay oo khilafkii ayaa lagaga wadahadlay ma jiraan,
gundhiga wadhadaladu wuxuu ahaa uun in Xasan sheekh siyasadiisa ay saldhig utahay anaa xukuma somaliland ee ila hadla, waxaad doonaysana an idiin dhameeyo, lkn dhegaha caalamka maqashii in aad ka laabateen heshiiskii aad la gasheen Somaliland MOU gii is afagaradka aha,
hadaba tsasi horena umay dhicin kulnakan danbena may dhicin,
Siyasad Guun ah oo gowsaha fadhida iyo siyasad Dibnaha saaran oo xasan sheekh cayaarayo aya is hor fadhida, yaase guulaysan doona,
waayaha iyo Indhaha ku dhisan aragtida fog aya libta la hoyon doona, sida muuqata,
marka xaqiiqda layska indho tiro oo beenta la iibgeeyo aakhirka way fashilanta siyasada xumi, Somaliland Taariikhdeeda hore iyo teeda danbeba way cad yihiin wadmada Afrikada Bari ku yaalana way garanayaan cida xukunta iyo xuduudaha calamiga ah ee gumaystihii dhigay,
Fiiro gaara,
Hal Qodob ayuunba la isku haya kaas oo an suuragalaynin, Xasan sheekh wuxuu doonaya in Apy Axmed ku dhawaqo Qoraal iyo hadalba in ka laabtay Heshiiskii hargeysa,
Apy Axmedna wuxuu doonaya in uu Xasan u saxeexo Dhul badeed inta aanu ka noqon heshiiska MOU ahaa ,
Hadaba waxa iswaydiin leh Apy Axmed xaguu marinaya hadii xasan u saxeexo bugcada bada ah ee uu doonayo oo ah inta udhaxaysa Lughaya iyo saylac, sidoo kalena xasan sheekh miyuu awood uleeyahay in uu mamulo xeebta,, Arinki waa Gacantada dhegtaada Geli, waxaase wax walba ku hirgali karan aqbalada dawlada Somaliland tas ayan biyo kama dhibcan ah