Madaxweybe Trump oo ilaa Sabtida u qabtay in lagu sii daayo la heystayaasha Israโ€™iiliyiinta

0

WASHINGTON โ€” Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniinti shalay sheegay, in haddii aanan la soo deynin la heytaystayaasha Israโ€™il ee lagu hayo Gaza duhurnimada Sabtida soo socota, uu soo jeedinayo in la baabiโ€™iyo heshiiska xabbad-joojinta ee Israโ€™il iyo Xamaas.


Trump wuxuu sheegay in haddii ay taasi la yeeli waayo, ay dhici doonto cadaab daran, isaga oo intaasi raaciyay in goโ€™aanka ugu danbeeya ay leedahay Israโ€™il.

โ€œHaddii aysan halkaan joohin, dhammaan cadaabta ayaa la fasixi doonaa.โ€ Mar la weydiiyay in in Mareykanka uu ka qeybgali doono si loogu jawaabo Xamaas, haddii aysan soo deyn la heystayaasha, ayuu Trump yiri โ€œXamaas way ogaan doontaa waxa aan ula jeedo.โ€

Hadalka adag ee kasoo baxay Trump ayaa yimid saacado kaddib marki ay Xamaas shaacisay shalay, in ay dib u dhigeyso sii deynta la heystayaasha gacantooda ku haray.

Xamaas ayaa ku eedeysay Israโ€™il in ay jebisay heshiiska xabbad-joojinta ee saddexda todobaad jira, gaar ahaan in ay Falastiinyiinta u diidday dib ugu laabashada qeybo ka mid ah waqooyiga Gaza iyo in ay toogasho iyo duqeymo u geysatay Falastiiniyiinta Gaza.

Ma jiro wax war ah oo arrintan ku saabsan oo wali kasoo baxay Xamaas.

Madal