Elon Musk ayaa ku dhawaaqay in la xidhayo waaxdii Waxbarashada u qaabilsanayd dalka Maraykanka taas oo uu sheegay in dhaqaale badan lagu lunsan jirey.

0

Maalqabeenka Elon Musk oo Trump u igmaday in uu daba galo halka ay ku baxaan lacagaha dawladda Maraykanku ayaa ku dhawaaqay in la xidhayo waaxdii Waxbarashada u qaabilsanayd dalka Maraykanka taas oo uu sheegay in dhaqaale badan lagu lunsan jirey.

Ninkan ayaa hore ugu guulaystay in uu xidho Haayaddii USAID oo dalal badan ka hawl geli jirtay.

Xidhista Waaxda Waxbarashada ee Maraykanka ayaa saamayn ku yeelan doonta dhaqaalihii ay heli jireen wadddamo badan oo uu Maraykanku dhinaca waxbarashada ka taageeri jirey iyo Haayaddaha Qaramada Midoobay oo ay siin jireen miisaaniyad gaara.