Meydadka Tahriibayaal loo maleynayo inay khaarajiyeen magafayaashii tahriibanayey oo laga helay Liibiya

0

Meydka ugu yaraan 29 tahriibayaal ah ayaa laga helay laba goobood oo kala duwan oo ku yaal Liibiya.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in qaar ka mid ah meydadkaas laga helay xabaal wadareed ku taalla meel beer ah, waxaana la tuhun san yahay in dhimashadoodi la xiriirto magafayaashii tahriibanayey.

Dhinaca kale, Hay’adda Bisha Cas ee Libya ayaa sheegtay inay soo saartay Meydadka Toban Tahriibayaal ah, kaddib markii doonidii ay la socdeen ku degtay meel u dhow magaalada Zawiya oo u dhow magaalada Tripoli.

(Kumanaan muhaajiriin ah ayaa sanad walba isku daya in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka ee halista ah iyagoo ka soo gudbaya waqooyiga Afrika una socda Yurub).