Wiil Soomaali ah oo Hindiya loogu sameeyey qalliin xubinta taranka ah “oo lagu guuleystay”

0

Wiil Soomaaliyeed oo 19 jir ah, oo xubintiisa taranka ku waayay caabuq daran oo ka dhashay gudniin lagu sameeyey carruurnimadiisii, ayaa si guul leh loogu sameeyay qalliin dib abqaalid ah ama beerid ah, kaas oo ka dhacay Isbitaalka Medicover ee magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya.

Qalliinkan oo socday in ka badan 10 saacadood ayaa dib loogu soo celiyey shaqadii kaadida iyo awooddii galmada, taasoo soo afjartay sannado badan oo murugo iyo dhibaato jidheed iyo maskaxeed ah oo uu la noolaa wiilkani, sida ay ku warrameen warbaahinta gudaha ee Hindiya.

Qofka bukaanka ah ayaa sannado badan la daalaa dhacayay dhaawacyo culus oo ka dhashay gudniinkiisii carruurnimo, taas oo keentay in uu u raadsado xal caafimaad dalal kala duwan ah oo dibedda ah.

Si kastaba ha ahaatee, dadaalkiisii hore ayaan midho dhalin, waxaana markii dambe uu go’aansaday inuu tago dalka Hindiya si loogu helo xal waara.

Baaritaanka caafimaad ee la sameeyay ayaa muujiyay in caabuqii ka dhashay gudniinkiisa carruurnimo uu sababay burbur xun oo keenay inuu gebi ahaanba waayo xubintiisa taranka. Waxa kale oo uu lahaa dhibaato dhanka kaadida ah oo ka dhalatay dhagxaan samaysmay, taasoo sii murjisay xaaladdiisa.

Koox dhakhaatiir ah oo uu hogaaminayay Dr. A.V. Ravi Kumar, khabiir sare oo dhanka kaadi-mareenka iyo cudurrada ragga ah, iyo Dr. Dasari Madhu Vinay Kumar, dhakhtar ku takhasusay qalliinnada dib-u-dhisidda iyo qurxinta, ayaa si taxaddar leh u diyaariyay qorshaha qalliinka, sida warbaahintu ka soo xigatay cisbitaalka.