Muxuu yahay waxa ka dhacay Qasa ee Maraykanku ku sheegay “wax laga naxo”?

0

Ugu yaraan 93 qof ayaa dhintay ama lagu waayay weerar dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israa’iil oo ka dhacay magaalada Beyt Laxiya ee waqooyiga Qasa, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay maamulaan Hamas, weerar kaas oo Maraykanku ku tilmaamay “wax laga naxo.”

Samatabbixiyeyaashu waxay sheegeen in dhisme shan dabaq ka kooban la garaacay, muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya maydad bustayaal ku daboolan oo dhulka yaalla.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay “ka warqabeen wararka sheegaya in dad rayid ah lagu wax yeeleeyey agagaarka Beyt Laxiya”. Waxay intaas ku dartay in la eegayo xogta dhacdadan.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay ka howlgalayay waqooyiga Qasa gaar ahaan deegaanada Jabalia, Beyt laxiya iyo Beit Hanoun.

Maamulaha cisbitaalka Kamaal Cadwaan ee Jabalia oo ku dhow, Xussam Abuu Safiya ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in cisbitaalka lagu daweynayo carruurta, kuwaas oo la daalaa dhacaya daweynta bukaannada sababo la xiriira shaqaale la’aan iyo dawo la’aan.

“Ma jiraan wax ka haray cisbitaalka Kamaal Adwaan marka laga reebo qalabka gargaarka degdega ah kadib markii ay ciidamadu xireen kooxdayada caafimaadka iyo shaqaalaheenna,” ayuu yiri Abuu Safiya.

IDF ayaa toddobaadkii hore weerartay isbitaalka iyagoo sheegay in ay isticmaalayeen dagaalyahannada Xamaas.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Matthew Miller ayaa sheegay in Maraykanku uu aad uga walaacsan yahay dhimashada dadka rayidka ah ee dhacdadan.

Waxa uu tilmaamay “warbixinada labaatameeyo caruur ah oo lagu dilay” weerarka.

“Khasaaraha naxdinta leh ee dadka rayidka ah” ka soo gaaray duqayntii ugu danbaysay “waa arin kale oo sabab ah in loo baahan yahay inaan aragno joojinta dagaalka,” ayuu yiri Miller.

Israa’iil ayaa sheegtay in howlgallada ay ka wadaan waqooyiga Qasa ay yihiin kuwo loogu talagalay in looga hortago Xamaas in ay dib isu abaabulaan, waxayna ku eedeysay in ay ku dhex milmeen dadka rayidka ah, taas oo Xamaas ay beenisay.

Bayaan ay soo saartay Talaadadii, ayay ku sheegtay inay 40 “argagixiso” ku dishay Jabalia, bartamaha Qasana waxay sheegtay inay “ka dileen argagaxiso badan” 24-kii saac ee la soo dhaafay oo ay ku jiraan qaar “isku dayay inay qarxiyaan meel u dhow ciidamada”.

Waqooyiga Marinka Qasa ayaa waxaa ka taagan masiibo bini’aadantinimo oo qoto dheer, iyadoo boqolaal kun oo qof ay ku nool yihiin xaalado quus ah.

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Türk ayaa sheegay Jimcihii in “militeriga Israa’iil ay dadka oo dhan ku hayaan bam, go’doomin iyo khatar macaluul ah”.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aan la aqbali karin in kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta ay ka dhex shaqeeyaan dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan gudaha hoyga barakacayaasha, oo ay dhibaato u geystaan.

Isniintii, baarlamaanka Israa’iil ayaa u codeeyay sharci lagu mamnuucayo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin, Unrwa, inay ka shaqeyso dalka, taasoo dhalisay digniino ah gaarsiinta gargaarka Gaza ay si weyn u saameyn karto.

Israa’iil ayaa billowday olole ay ku burburinayso Xamaas iyadoo ka jawaabaysa weerar aan horay loo arag oo ay kooxdu ku qaadday koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023, halkaas oo qiyaastii 1,200 oo qof lagu dilay, 251 kalena lagu qafaashay.

In ka badan 42,924 qof ayaa lagu dilay Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, taas oo aan kala saarin dadka rayidka ah iyo dagaalyahannada tirooyinkeeda.

Israa’iil ma ogola in saxafiyiinta caalamiga ah ee ka socda hay’adaha warbaahinta, oo ay ku jirto BBC, ay si madax banaan u galaan Gaza, taas oo adkeynaysa in la xaqiijiyo xaqiiqooyinka dhulka.