Baqtiyo-nasiib maalinkii $1 milyan oo dolar lagu bixinayo oo uu bilaabay ninka ugu taajirsan dunida

0

Bilyaneerka Elon Musk ayaa waxa uu sheegay in uu maalinkiiba siin doono $1 milyan oo doolarka Maraykanka ah codbixiyayaasha diiwaan gashan in ku nool gobolada aan codkoodu dhinacna jirin ilaa laga gaarayo shanta Bishan November oo ay bilaabanayaan doorashooyinka madaxtinimo ee Maraykanka.

Guuleystaha Baqtiyo nasiibka ayaa waxaa loo xulan doonaa qaab nasiib ah marka uu saxiixo in uu ka codeeyo codeyn dadweyne oo ay sameeyeen koox ololeeyayaal ah oo Musk oo aasaasay, kuwaas oo uu ku doonayo in uu taageero ugu muujiyo musharraxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ee doonaya in uu dib ugu noqdo aqalka cad.

Baqtiyo nasiibkii ugu horeeyay ayaa waxaa la siiyay qof ka qayb galay oo ku sugnaa munaasabad dadweyne oo ka dhacday Pennsylvania habeenkii Sabtida. Mid kalana waxaa la bixiyay maalinkii Axadda.

Gudoomiyaha Pennsylvania Josh Shapiro, oo ah dimuquraadi taageera Kamala Harris, ayaa waxa uu ku tilmaamay istaraatiijiyadda Musk “Mid walwalkeeda leh”.Shapiro ayaa waxa uu u sheegay warbaahinta NBC in ciidamada ammaanku ay tahay in ay wax ka ogaadaan qaabka lacagaha loo bixinayo

Tartankaan ayaa waxa uu u furan yahay codeeyayaasha in Pennsylvania, Georgia, Nevada, Arizona, Michigan, Wisconsin iyo North Carolina iyo dhamaan gobolada muhiimka ah ee codkoodu lagu dagaalamo kuwaas oo ugu dambeyn go’aan ku leh doorashada Aqalka Cad.

Khabiir sharciyada doorashada, Rick Hasen oo fikradihiisa ku qora bog uu gooni u leeyahay, ayaa waxa uu aaminsan yahay in qorshaha Musk “uu si cad sharciga uga soo horjeedo”.

Sharciga federaalka ayaa waxa uu qabaa in cidkasta oo “bixisa ama soo bandhigta dalab ah lacag bixin ama aqbasha lacag si ay isaga diiwaangaliso codeynta” waxa uu wajahayaa ganaax ilaa $10,000 oo doolar ah ama xukun shan sano oo xabsi ah.

In kasta oo uu Musk si farsamaysan uga codsanayo codbixiyayaasha inay saxeexaan warqad, haddana Hasen waxa uu su’aal galiyay ujeeddada ka dambaysa istaraatiijiyaddan.

“Yaa saxiixi kara codsiyada? Kaliya codbixiyaasha ka diiwaan gashan gobollada swing, taas oo ah waxa ka dhigaya sharci-darro, “ayuu yiri Hasen, oo ah barafisoor wax ka dhiga Jaamacadda California ee Los Angeles (UCLA).

Qofkii saxeexa codsiga – ee ballan qaadaya inay taageerayaan xoriyadda hadalka iyo xuquuqda haysashada hubka – waxaa laga rabaa inay soo gudbiyaan taleefanada lagala xiriiri karo, taasoo u ogolaanaysa AmericaPAC inay la xiriiraan oo cod waydiistaan.

Musk iyo kooxda AmericaPAC labadaba waa lala xiriiray si ay wax looga waydiiyo arrinkaan.