Maxaan ka ognahay guriga lagu dilay Yaxye Sinwar?

0

Ka soo horjeedka isbitaalka Imaaraati, oo ku yaalla waddada Ibnu Siina, ee xaafadda Suldaan, oo dhacda galbeedka magaalada Rafax, waxaa ku yaalla guri ay deggenaayeen qoys Falastiiniyiin ah oo aan waligood ku fekerin inay ka guurayaan gurigooda, uuna isku rogayo fagaare dagaal iyo furin ay iskaga hor imaadaan ciidamada Israa’iil iyo hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Xamaas Yaxye Sinwar, oo ugu danbeyn lagu dilay gurigaas.

Ashraf Abu Taha, oo ah mulkiilaha guriga, sidoo kalena ah aabaha qoyskii gurigaan deggenaa ayaa yiri: ”Gurigaan waxa aan ku noolaa muddo 15 sano ah, dagaallo kala duwan oo dhacay ayaana joogay, mana jirin sabab aan uga guuro, balse howlgalladii ciidanka Israa’iil iyo ammarradii daadgureynta ee marinka Rafax iyo dhamaan deriskayga oo guuray ayaa barakaca igu kalliftay.”

Dhanka kale Abu Taha, waxa uu sheegay inuu ka shaqeeyo naadiga adeegga maamulka Rafax, “Aniga siyaasadda xiriir lama lihi,”

“Dhismaha gurigaan waxaa iiga baxday 200-kun oo lacagta shekels ah una dhiganta ‘53,800 oo doolarka Mareykanka ah’, lacagtaas oo aan ka shaqeeyay ganacsi iyo qeybo aan uruurinayay sanadihii aan shaqeynayay, waxaan u iibiyay wiilkeyga iyo walaalahay, guriga waxaan u diyaariyay si buuxda, mana maleyneyn in uu malin isku badelli doono goob dagaal oo u dhaxeysa Yaxye Sinwar iyo ciidanka Israa’iil,” ayuu yiri Abu Taha

Mar uu ka hadlayay sida uu ay ku soo gaartay warka ku saabsan wixii gurigiisa ka dhacay ee noqday mowduuca laga hadal hayyo adduunka oo dhan ayuu yiri, “Wax ciwaan ah kuma lihi baraha bulshada ee lagu wada xiriiro, balse inanteyda waxa ay aragtay masawirrada iyo muuqaalada la soo dhigay baraha internetka, sidaas darteed ayay si degdeg ah ii tustay muuqaalada iyo sawirrada, dadkii oo dhan ayaana mar qura i wada weydiiyay miyuusan gurigaaga ahayn?

Waxa uu intaa ku daray “Aniga markii aan arkay waan la yaabay, waan rumaysan waayay, balse walaalkay ayaa isoo wacay oo ii sheegay inuu gurigaygii yahay, markaa waxaan hubsaday waxa ay indhahaygu arkeen, markii aan waxkasta arkay ayaan naxay illaa hadana waan waan rumeysan waayay.”

Abuu Taha ayaa xaqiijiyay in gurigiisa uu ahaa mid wanaagsan markii ay ka barakacayeen 6-dii bishii May, isla markaana aysan jirin wax duqeyn ah oo ku dhacday, tan iyo markii ay ka barakaceenna aysan u suurtagalin inuu wax xog ah ka helo, sababao la xiriira in halka guriga uu ku yaallo ay noqotay goob howlgallo ay ka socdaan oo khatar ah.”

 

Dhanka kale waxa uu yiri: “Alaabaha kale ee qolka fadhiga yaalla waxaa kamid ah fadhi ay hooyaday i siisay, marka saamayn gaar ah ayay igu leedahay, waa fadhi la mid ah kii ay xubnaha qoyskaygu ku fadhiisan jireen muddo 15 sano ah.”

Maalin khamiis ah oo ay ku beegnayd 17-Oktoobar 2016, ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay dileen hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar, kaddib howlgal ay ka fuliyeen koonfurta marinka Qaza.

Bayaan soo baxay xilligaas Israa’iil waxa ay ku sheegeen in ciidankooda oo garabsanaya hay’adda amniga gudaha ee ‘Shin Bet’ ay fuliyeen dilka Sinwar.

Xamaas ayaa xilligaas soo saartay bayaan ay ku beeninayaan sheegashada Israa’iil.

Balse jimcihii ayay soo saareen bayaan ay uga tacsiyeynayaan hoggaamiyahoodii Yaxye Sinwar kaas oo ay sheegeen inuu ku dhintay iska horimaad ku dhexmaray bartamaha Qaza, militariga Israa’iil