Ganacsatada Xoolaha dhoofisa oo wel wel wayn ka muujiyay xayiraada laga qaday gancsdaha yemeniga ah e Abu Yasir

0

Ganacsatada ka shaqaysta dhoofka xoolaha ee Somaliland iyo mandaqada Somalidu degtaba oo si wayn uga walaacsan in mar labaad kooto dhoofka xoolaha ah uu ku guulaysto  ganacsadaha yemeniga ah e  Abu Yasir oo dhowr jeer oo hore carqalad iyo hakin galiyay xoolaha Somalida ee loo dhoofiyo wadanka khaliijka taas oo sababtay in loo wareejiyo dekado kale sida Jabuuti,

Warkan ayaa waxaa warbaahinta madaxa banan u sheegay xubno kamida ganacsatada xoolaha dhoofisa ee Somaliland,

Hadaba sida la ogyahay bishii September horaanteedii sanadkan 2024 ayaa ganacsadaha yemeniga ah e  Abu Yaasir aya damac ka galay in uu helo warqad u sharciyaynayasa sidii uu kooto ugu heli lahaa dhoofka xoolaha mandaqada soomalidu degto taas oo u ka quud daraynayay dawlada xamar

  Sida la ogyahayna Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland ayaa xayirtay macjarkii uu xoolaha ka dhoofin jiray Ganacsadaha yemeniga ah e  Abu Yaasir ee Deero oo ay shuraako ku ahaayeen Ilma ndho Deero,

 

xukuumada somaliland ayana  Isaga ka mamnuucday inuu ka shaqaysto Somaliland xoolana uu ka dhoofiyo sidoo kalena Aanu dalka soo gali karin.

Hadaba sida ay ku waramayaan Xubno ka mida ganacsatada xoolaha dhoofisa ee Somaliland Wasarada Xananada Xoolaha eeJamhuuriyada Somaliland ayaa xayiraadadaasi ka noqotay oo warqad fasaxad ah siisay ganacsadaha Yemeniga ah e Abu Yaasir si uu dhoofkii xoolaha dib uga bilaabo Somaliland ama Dekada Berbera,

Mid ka mida Ganacsatada Xoolaha dhoofiya oo codsaday inaan magaciisa la baahin ayaa warbaahinta usheegay in latashi balaadhan oo ay galeen Gancstada xoolaha dhoofisa ee Somaliland   go.aan sadeen sidii ay jawaab uga bixin lahayeen   fasaxaadan xukuumada somaliland sisay ganacsadaha Yemeniga ah si uu kaligii kooto ugu raro xoolaha loo iibgayn jiray wadmada khaliijka,

ganacsadahan Reer somaliland e warbaahinta lahadlay aya intaa ku darey maadama shaqadii ay Abid iyo isirka ulahaayeen ay xukuumdu siisay  ganacsadahan Yemeniga ah oo doonaya inuu kaligii Faa,iido ay si adag uga hor iman doonan in uu kaligii xoolaha dhoofiyo,

Ganacsadahan Reer somaliland oo warkan warbaahinta siiyay ayaa    farta ku fiiqay in Madaxtooyada Somaliland ay masuul ka tahay fasaxaada ganacsadahan Yemeniga ah e Abu Yasir e loogu ogoladay xayiraadiina looga qaaday sababtoo ah Warqada fasaxaada waxa ku saxeexan wasiir Kuxigeenk Wasaarada Xananaada Xoolaha e somaliland,

sida muuqata hadii ganacsade Abu Yaasir ku guulaysto Kootada dhoofka Xoolaha waxaa saaxada ganacsiga xoolaha ka bixi doona kumanaan qof oo Somali ah oo xirfadan ganacsiga xoolaha ka shaqaysan jiray,

waxaanay sababi doontaa in ay xidhmaan macjarada wawayn ee xoolaha lagu Caafimaadiyo inta anay dhoofin kuwaas oo hay,ado caalamiya sharci ka haysta waayo xoolaha waxa laga Rari doona macjarkiisa oo kaliya,

waxaana.laga yaaba inay bilaabanto Xiisad kacsan oo dhinca dhoofka Xoolaha ah.

Ugu dambeyntii sida uu sheegay ganacsadahan ka Gaabsaday in magaciisa la xusaa waxay dhamaan Ganacsatada Xoolaha dhoofisaa isugu iman doonaan shir  halkaasna  ay kaga hadli doonaan Mawqifkooda ay kaga soo horjeedaan arinkan dhabar jabk.ku ah dhoofka Xoolaha Somalida.

halkan hoose ka akhri warqada xayirada macjarka iyo warqada fasaxada ee macjarka uu xoolaha ka diroganacsadaha  Yemeniga ah e  Abu Yasir