Dalka talyaaniga oo mamnuucay in basoborka Muqdisho Fiise la siiyo iyo sababta

0

Dowladda Talyaaniga ayaa bishii September joojisay dal ku galkii Schengen ee la siin jiray muwaadiniinta Soomaalida ee doonayo inay u safraan qaaradda Yurub.

Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho ayaa qoraal ay markaas ku daabacday barteeda X (Twitter) ku sheegtay in safaaradda Nairobi ay joojisay soo saarista fiisayaasha ay soo dalbanayaan dadka haysta baasaboorka Soomaaliga.

“Waxaa la ogeysiinayaa dadweynaha in safaaradda Talyaaniga ee Nairobi ay joojisay soo saarista fiisaha Schengen, waxayna tani saameynaysaa dhammaan codsiyadaas shaqsiyaadka u gudbiyay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri war kooban oo ay soo saartay safaaradda.

Bishii Julay ee sanadkan Midowga Yurub ayaa soo jeediyay in la adkeeyo dal ku galka la siiyo dadka haysta Baasaboorka Soomaaliga.

Ujeedada talaabooyinkan ayaa lagu sheegay in Soomaaliya culeys lagu saaro in dib loogu soo celiyo dadka aan waddada saxda ah ku gelin dalalka Midowga Yurub.

Goluhu waxa uu u baahan yahay baa lagu yiri warbixintaan, “inuu ansixiyo soo jeedinta ka hor inta aan la soo bandhigin qorshahaan”.

Soo jeedinta Guddiga Midowga Yurub ayaa waxaa ka mid ah in la adkeeyo tAllaabooyinka dal ku galka lagu siinayo muwaadiniinta Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in arrintaasi aysan ahayn waxa loo baahnaa inay meesha ka dhacdo. Itoobiya waxay xaq u leedahay inay hesho bad ay wax ka soo degsato Soomaaliyana waxay xaq u leedahay inay baddeeda la haato.

Safiirka talyaaniga ugu magacaaban muqdsiho ayaa kahadlay mawqifka Arinka xasan sheekh ka qaylinayo e Ethiopia,

Arrintaasi waxay ahayd in si diblomaasinima ah oo iskaashi ah ayay ahayd in arrintaas loo xalliyo waana nasiib darro inay taasi dhici weyso, ayuu yiri Safiir Pier Mario Daccò Coppi.