Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka Xisbullah ay ku qaadday Israa’iil iyo khasaaraha ka dhashay

0

Weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbullah ayaa lagu dilay ugu yaraan afar askari oo Israa’iiliyiin ah, tiro kalena waa lagu dhaawacay.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in 7 qof ay si xun ugu dhaawacmeen duqeynta oo lagu garaacay saldhig ku yaalla koonfurta magaalada Haifa.

Waa mid ka mid ah weerarradii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado goob ay Israa’iil leedahay tan iyo colaaddii soo bilaabatay sanadkii lasoo dhaafay.

Xisbullah ayaa sheegtay in ay ridday tobanaan gantaal si ay u mashquuliyaan nidaamka difaaca hawada, iyadoo isla mar ahaantaana ay soo rideen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Bayaan ka soo baxay kooxda ayaa ku hanjabay weeraro kale haddii aysan Israel joojin weerarrada ay ka wado Lubnaan, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan kun qof.

Xafiiska warbaahinta ee kooxda hubaysan ayaa sheegay in weerarkan uu jawaab u ahaa weeraradii Israel ee koonfurta Lubnaan iyo Beirut Khamiistii.