Muxuu yahay hubka casriga ah ee Ruushka ee galay gacanta Ukraine?

0

Marka laba calaamadood oo qiiq cad ah ay cirka isku shaeeraan meel u dhow jiidda hore ee bariga Ukraine, waxay macnaheedu noqon kartaa hal shay oo keliya: waa diyaaradaha Ruushku oo fulinaya weeraro cusub.

Laakiin waxa ka dhacay meel u dhow magaalada Kostyantynivka ee dalka Ukraine wa wax aan weligeed hore u dhicin. waxaa halkaasi lagu arkay labo qiiq oo is barbar socda ka dib-na waxaa la arkay iftiin halkaasi ka baxaya.

Sida ay dad badan aaminsan yihiin, diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay ayaa ku soo riday diyaarad kale gantaal meel qiyaastii 20 kiiloomitir u jirta jiidda hore, mise waa diyaaradda Ruushku leeyahay oo soo riday diyaarad kale oo isla Ruushka lahaa.

Burburkii diyaarada oo kala firdhay ka dib, dadka reer Ukraine ayaa markii dambe ogaaday inay tahay burburka mid ka mid ah hubkii ugu dambeeyay ee Ruushka ee ugu casri sanaa ee , S-70 “Stealth” oo ah diyaarad aan duuliye lahayn.

Tani maaha Daroon caadi ah. Waa diyaarad loo yaqaan “Akhotnik (sniper).” Baaxadda ay le’eg tahay diyaaraddan meelaha fog laga hago waxay la mid tahay diyaaradaha dagaalka, balse way adag tahay in la ogaado.

Khubarada Ruushka waxay yiraahdaan ma jiro “diyaarad la mid ah guud ahaan caalamka ” .

Sheegashadan ayaa laga yaabaa inay run noqoto, laakiin way caddahay in diyaaraddu ay ka leexatay dhabihii loogu talagalay, waxaana muuqaalka labaad ka muuqda uu ahaa natiijada diyaarad ah nooca Su-57 oo Ruushku leeyahay oo la cayrsanayo.

Waxaa jirta suurtagalnimo ah in diyaaradaha Ruushka ay isku dayeen in ay dib u soo celiyaan xiriirkii ay la sameeynayeen diyaarada Drone-ka ee ka leexatay dhabihii loogu talagalay, balse maadaama ay labaduba dul heehaabayeen aagga difaaca cirka ee Ukraine, waxa ay u muuqataa in talisku uu qaatay go’aan lagu burburiyay diyaaradda Okhotnik si looga ilaali inay gacanta cadawga gasho.

Moscow iyo Kiev midkoodna si rasmi ah ugama hadlin waxa hawada ka dhacay meel u dhow magaalada Kostyantynivka, laakiin khubaradu waxay rumaysan yihiin in Ruushku ay u badan tahay inay lumiyeen xakamaynta diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn, taasoo suurtogal ah inay sabab u tahay faragelinta nidaamyada dagaalka elektaroonigga ah ee Ukraine.

Dagaalka Ukraine ayaa lagu arkay diyaarado badan oo aan duuliye lahayn, balse midkoodna uma wanaagsana sida diyaaradan Ruushka ee S-70.

Diyaaradan ayaa culeyskeedu lagu sheegay in ka badan 20-tan, waxaana la sheegay in diyaaradan ay gaari karto ilaa 6,000 oo KM. Waxay u qaabaysan tahay fallaar oo kale, waxayna si dhow u shabbahdaa diyaaradda kale ee Maraykanka ee X-47B, oo ah diyaarad dagaal oo la dhisay toban sano ka hor.

Khubarada ayaa sheegay in diyaaradda Okhotnik ay tahay inay qaadi karto bambaanooyin iyo gantaallo ay ku garaacdo bartilmaameedyada dhulka iyo hawada, sidoo kalena ay qaban karto shaqada sahaminta hawada.

Arrinta muhiimka ah ayaa ah in diyaaradan aan duuliyaha lahayn loo qaabeeyay in ay ka barbar shaqeyso diyaaradaha dagaalka ee jiilka shanaad ee Ruushka Su-57.

Horumarka diyaaradan ayaa soo bilowday sanadkii 2012-kii, waxaana duulimaadkeedii ugu horeeyay uu ahaa 2019-kii.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa dhamaadkii usbuucii hore ma jirin wax cadeyn ah oo muujinayay in loo adeegsaday dagaalka labada sano iyo barka ka socday dalka Ukraine.

Horaantii sanadkan ayaa la sheegay in diyaaradan lagu arkay garoonka Akhtubinsk ee koonfurta Ruushka oo kamid ah goobaha laga soo abaabulo weerarada ka dhanka ah Ukraine.

Sidaa darteed waxaa jira suurtagalnimo ah in duullimaadkan guuldareystay ee Kostyantynivka uu ahaa mid ka mid ah isku daygii ugu horreeyay ee Moscow si ay u tijaabiso “hubka cusub” xilliga xaaladaha dagaalka.

Dadka reer Ukrain ayaa sidoo kale la sheegay in ay ka heleen goobta burburka bamka caanka ah ee Ruushka ee D-30 glide.

Hubkan dagaalku waxa ay adeegsadaan hababka hagidda dayax-gacmeedka, taas oo ka dhigaysa mid aad khatar u ah.

Su’aasha halkan taal ayaa ah: Maxay ahayd diyaarada Akhotnik ee barbar duuleysay diyaaradda dagaal ee Su-57?

Khabiirka dhanka duulista oo fadhigiisu yahay Kiev Anatoly Khrapchinsky ayaa sheegay in laga yaabo in diyaarada dagaal ay fariin ka soo dirtay saldhig dhulka si ay u kordhiso tiiradeeda.

Fashilka diyaarada aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan “stealth” drone ayaa shaki la’aan dhabar jab weyn ku ah ciidamada Ruushka, maadaama qorshuhu ahaa in sanadkan ay gudaha galaan wax soo saarkooda dhanka diyaaradan, balse waxaa muuqata in diyaaradaasi aysan diyaar u ahayn howl galada.

Ruushka ayaa la rumeysan yahay inuu soo saaray afar nooc oo S-70 ah, waxaana laga yaabaa in kan hawada sare ee Ukraine lagu burburiyay uu noqon karo kii ugu horumarsan.

Inkasta oo ay burburtay, ciidamada Ukrain waxay u badan tahay inay weli ku guda jiraan inay ururiyaan macluumaadka iyo qiimaynta ku saabsan Akhotnik.

“Macluumaadku wuxuu naga caawin karaa inaan ogaano inay ku qalabaysanayd radar gaar ah oo ogaanaya bartilmaameedyada iyo in kale, ama in rasaastu ay horay u sii,” ayuu yiri Khrapchinsky.

Khabiirka Duulimaadyadu waxa uu rumaysan yahay in awoodda radar-ka- ka-baxa ee diyaaradda ay tahay mid xadidan, taas oo ku salaysan daraasad lagu sameeyay sawirro laga soo qaaday goobta burburtay.

Injineerada Ukraine ayaa baari doonaan burburka diyaaraddan waxayna natiijada baaritaankan u gudbin doonaan la-hawlgalayaashooda Kiev ee ka socda waddamada reer galbeedka.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadani waxay muujisay in Ruushku aanay u istaagin, laakiin ay ku tiirsan yihiin awooddooda weyn ee bini’aadamka iyo hubka caadiga ah.

Waxa kale oo ay horumarinayaan habab cusub oo casri ah oo lagu dagaallamo, wixii maanta guuldarraystana waxa laga yaabaa in ay guulaystaan ​​mar kale.