Ururka Xisbulah oo digniin culus soo saaray

0

Ururka Hezbollah ayaa , ka digay in guryaha iyo saldhigyada millatariga ee xaafadaha la deggan yahay, oo qaarkood ku yaal magaalooyinka waaweyn ee waqooyiga Israa’iil, ay noqon doonaan bartilmaameedkooda, iyagoo digniin u diray dadka deegaanka.

Sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee France Press, xisbigu waxa uu ku eedeeyay ciidanka Israa’iil in ay guryo ku yaala qaar ka mid ah waqooyiga Israa’iil u adeegsadaan xarumo ay ku ururiyaan saraakiishooda iyo askartooda.

Magaalooyiinka waaweyn ee ay u digeen waxaa ka mid ah “Haifa, Tiberias, iyo Acre.”

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in guryahan iyo saldhigyada ciidanku ay noqon doonaan bartilmaameedyada gantaalada iyo ciidamada cirka ee xisbulah, iyagoo uga digay dadka deegaanka inay ka ag dhawaadaan meelaha ay ciidamadu isugu yimaadaan si ay naftooda u ilaashadaan ilaa amar dambe.

Iyadoo Israa’iil ay isu diyaarinayso inay u dabbaaldegto xuska Yom Kippur, seeriga digniinta ayaa ka dhawaaqay meelo badan oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee Israa’iil, iyagoo ka digaya weerar xagga cirka ah.

Laba diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn oo alga soo diray Lubnaan ayaa waxa ay bartilmaameedsadeen dhowr magaalo oo ku yaal waqooyiga Tel Aviv, halka ciidamada Israa’iil ay sheegtay in “ciidamada cirka ay qabteen oo ay ak hortageen mid ka mid ah.”

Dhisme ku yaalla magaalada Herzliya ayaa waxyeelo soo gaartay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Israa’iil, kuwaas oo aan sheegin wax khasaare nafeed ah oo halkaas ka dhasahay.

Booliiska Israa’iil ayaa sheegay inay heleen warbixinno dhowr ah oo ku saabsan burbur ku soo dhacay “aagga Herzliya.” Ma aysan sheegin waxyeelo halkaas ak dhacday.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in magaalada Herzliya ay ka go’day korontadii ka dib markii uu qarax ka dhacay, isla markaana la shiday seeriga si looga digtoonaado weerarada.

Madaxa xiriirka warbaahinta ee Xisbullah, Mohammad Afif, ayaa yiri, “Weerarada gantaallada ee xisbigu ku soo qaaday Israa’iil maalmihii la soo dhaafay waa bilow.”

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo uu ku qabtay xaafadaha koonfureed ee Beirut, Afif wuxuu intaas ku daray “Kaydadka istiraatijiyadeed ee Xisbullah waa kuwa wanaagsan, dagaalyahannada xisbiguna waxay ku sugan yihiin heerkii ugu sarreeyay ee diyaargarowga iyo diyaargarowgii ugu sarreeya.”

Dhanka kale waxaa wali iska soo dabadhacaya cambaareeynta weerar la sheegay in lala bartilmaameedsaday cidamada nabad ilaalinta qaramada midoobey ee ku sugan xudduuda Lubnaan iyo Israa’iil.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqay Israa’iil Jimcihii, inay joojiso beegsiga ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay (UNIFIL) ee ku sugan koonfurta Lubnaan.

Baaqa Biden ayaa imaanaya ka dib markii laba askari oo nabad ilaalin ah lagu dhaawacay Jimcihii weerar ay Israa’iil ku garaacday meel u dhow koonfurta Lubnaan.

Mar sii horeysay, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa ku qoray bartiisa X, isagoo yiri: “Waxaan ku baaqayaa in la xaqiijiyo ammaanka ciidamada UNIFIL iyo iskudubarid dadaallada looga guurayo hawlgallada militari loona gudbo waddo diblomaasiyadeed sida ugu dhaqsaha badan.”

War qoraal ah oo ay soo saareen dalalka Faransiiska, Talyaaniga iyo Spain ayaa lagu cambaareeyay duqeynta ay ciidamada Israa’iil la beegsadeen ciidamada nabad ilaalinta ee qaramada Midoobey ee ku sugan dalka Lubnaan.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay sameynayaan “dib u eegis dhab ah” kaddib markii lagu wargeliyay in labo ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ay “si aan ula kac ahayn” ugu dhaawacmeen dagaal ka dhacay koonfurta Lubnaan.

Hawlgalka nabad ilaalinta ee Lubnaan ayaa sheegay in xaruntooda Naqoura ay saameeyeen qaraxyo markii labaad muddo 48 saacadood ah.