Hay’adda sirdoonka Ruushka ayaa mudaba ku guda jirtay howl ay ku doonaysay in ay “qalalaaso joogto ah ka abuurto waddooyinka Ingiriiska iyo Yurub”, sida uu sheegay madaxa sirdoonka Ingiriiska ee MI5.

Isagoo bixinayay warbixintiisa sanadlaha ah ee khataraha ammaanka Ingiriiska, ayuu Ken McCallum wuxuu sheegay in wakiilada GRU ay fuliyeen falal ay ka mid yihiin “gubid, cuuryaamin iyo falal kale oo khatar badan oo ay ku sameeyeen qaab aan ka fiirsasho laahyn oo siyaado lahayd” oo ay ka sameeyeen gudaha Inigiriiska kadib marki UK ay Ukraine ku taageertay dagaalka ay kula jirto Ruushka.
MI5 ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ay ka hortagtay 20 shirqool oo ay Iran dabada ka riixaysay oo dhacay tan iyo 2022, in kasta oo uu intaas raaciyay in inta badan shirqooladaas ay ku lug lahaayeen Islaamiyiinta xagjirka ah oo ay sii wheliso argagixisada garabka midig ee xagjirka ah.
Khatarahaan isku milan ee la xiriira argagixisanimada iyo kuwa kale ee ka imanaya dawladaha kale ayaa uga dhigan MI5 inay “gacmaha ku hayso shaqo ay faraha ugu gubteen”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.




















