Qofkii ugu horreeyey ee lagu talaalay il bani’aadan ‘oo aad u soo fiicnaanaya’

0

Askari hore oo ka tirsanaa ciidanka Maraykanka, kaasoo noqday qofkii uguhorreeyey ee il laga beddelo ayaa horumar fiican samaynaya, waxaana muddo sannad ah ka dib u suurto gashay inuu noloshiisa si caadi ah u sii wato sida ay cilmi baareyaashu sheegayaan.

Aaron James oo 46 jir ah ayaa sidoo kale helay weji ka beddelid dhif iyo naadir ah. Wuxuu ku sigtay in uu wejigiisa oo dhan waayo, shil dhacay 2021, isagoo xilligaas ka shaqaynayey xarkaha korantada ee dabka xoogga leh uu dhex maro.

Isha loogu deeqay ayaa ilaa hadda cadaadiska dhiiggeedu uu yahay mid caadi ah, waxaa kale oo aan is beddelin xajmigeeda iyo qulqulka dhiigga, marka la barbar dhigo indhaha xoolaha ee dadka loo galiyo, kuwaasoo inta badan uu xajmigodu yaraado sida ay cilmi baareyaasha xarunta NYU caafimaadka ee Langone ku sheegeen daraasad cusub.

Aaron James ayeysan weli u soo noqon aragtidiisa isha ugu jirta, laakin cilmi baareyaashu waxay ku rajo weyn yihiin in ugu damabayn aragiisu uu soo laaban doono.

Natiijada aan arkayno qalliinka ka dib ayaa ah mid cajiib ah, waxayna dhabbaha u xaareysaa nidaam cusub oo xagga caafimaadka ah, ayadoo sidoo kale dhiirri galinaysa in baritaan dheeraad ah lagu sameeyo il-gelinta cakiran ee dareemayaasha aadka u nugul” ayey tiri Dr Vaidehi Dedania oo ah dhakhtarka indhaha ee Mr James.

Qorayaasha daraasadda waxay sheegeen in ay sameeyeen tijaabo lagu qiyaasayo fal celinta danabaysan ee isha bu’deeda ay ka falceliso iftiinka, taasoo muujisay in qaybaha qaabilsan iftiinka xoogga leh iyo iftiinka nuxuuska ah, iy sidoo kale unugyada dareemayaasha ee qaada farriimaha isha, waxayna tijaabadaas muujisay inay bed qabaan.

Jawaabahaas danabaysan waxay iftiinka u beddeleen farriimo ay aakhirka maskaxdu u fasiri karto muuqaal, taasna waxay rajo galinaysaa mustaqbalka qalliinnada indho beddelka, kuwaasoo ujeddada laga leeyahay ay tahay in araggu soo noqdo” ayaa lagu yiri cilmi baaridda.

Mr James ma uusan lumin aragtida ishiisa midig.

Bishii Maajo ee la soo dhaafay ayuu galay qalliin qaatay 21 saac, waxaana qalliinkaas ka qayb galay 140 xirfadle caafimaad.

Wajiga iyo isha lagu deeqay waxay ka yimaadeen hal qof, kaasoo ah lab ku jiray da‘ soddomeeyo. Intii qalliinka lagu guda jiray, dhakhaatiirta ayaa ku duray unugyada qofka qaangaarka ah ee loo yaqaanno Stem cells, kuwaasoo laga soo qaaday dhuuxa deeq bixiyaha, waxaana lagu beeray dareenwadka aragga si ay u dhiirrii galiyaan dib u soo kabashada.

Cilmi baareyaashu waxay sheegeen in Mr James uu tan iyo xiilligaas gaaray guulo wax ku ool ah, waxaana ka mid ah inuu cunno adag cuni karo iyo inuu wax urin karo.

“Waxaan dareemayaa in aan dib ugu soo noqday noloshii caadiga ahayd, oo aan hawlihii caadiga ahaa qabanayo“ ayuu yiri James.

46 jirkaas hore uga tirsanaan jiray milateriga ayaa ah qofkii 19aad ee ku nool Maraykanka ee lagu sameeyo qalliinka wajiga lagu beddelo, waana qofkii ugu horreeyey dundia oo dhan ee isha oo dhan laga beddelo, looguna beddelo il bani’aadam.

Qalliinnada isha lagu beddeloayaa wata caqabado, sbabtuna waxay tahay qaab dhismeedka aadka u cakiran ee isha iyo sida ay unugyadeedu u shaqeeyaan.

Cilmi baareyaashu waxay hadda diiradda saarayaan in ay il-beddelidda Mr James u isticmaalaan sidii loo fahmi lahaa qaabka loo soo celin karo aragtida isha, sida uu sheegay Dr Eduardo Rodriguez oo ah qoraha sare ee daraasadda iyo agaasimaha barnaamijka Face Transplant Program ee NYU.