Xubin katirsan Masuuliyiinta Maxjarka Xoolaha lagu caafimaadiyo lagana dhoofiyo ee Almutaxida ama Iska caabinta oo aanu wax ka weydiinay eedaha loo jeediyay Maxjarkooda ee la xidhiidha inay waraaqaha dhoofka Xoolaha kasoo qaataan Dawlada Somaliya lacagana kusiiyaan ayaa gabi ahaanba beeniyay Arintaas isagoo sheegay inaanay waxba ka jirin warka iyo waraaqda lagu baahiyay baraha bulshada Caawa ee lagu xidhiidhiyay Maxjarkooda isagoona soo bandhigay Masuulkani Shahaadadii uu Ku baxay markabka laga been abuuray ee Banyas-1 taas oo ah Shahadaada dalkan Somaliland xoolaha ku dhoofiso uu ku cadyahay magaca Jamhuuriyada Somaliland, sidoo kalena ay ku cadyihiin cadadkii xoolaha markabku qaaday iyo xiligii dhoofay.
Masuulkani waxa kaloo uu sheegay warqadani la wareejinayo inay isticmaalaan kana Soo baxday Xafiiska Sucuudiga ee ganacsadaha Yemeniga ah ee Abu Yaasir Magaciisuna ku qoranyahay(Mu’assasatu Saed Abdalla Humaid)been abuur iyo dhalan rogana lagu sameeyay Warqada Maxjarkani Almutaxida ama Iskacaabintana lagu been abuurayo.
Masuulkani ayaa sidoo kale sheegay in ganacsadahan Yemeniga ah ee Abu Yaasir uu Tobankii sano ee udambeeyay tiraba 7 jeer Xoolaha Somalida mu.amaradeeyay oo joojiyay Marba dariiq uu usoo maraban. maro uu xoolo buka raro, Mar uu Sucuudiga inaga dacweeyo,Maruu dhakhaatiirta inagu diro Mar uu Jabuuti inala kaashado Maruu Somaliya inoo soo adeegsado intaas oo dhan ayuu masuulkani sheegay inuu Abu Yaasir xoolaha Somalida joojiyay, hadana wuxu sheegay masuulkani in uu dhawaahanba ku hawlanaa sidii uu kooto ugu xidhan lahaa dhoofka xoolaha Somalida oo dhan isagoo heshiis dalka Jabuuti kula galay dawlada Xamar Dalka Jabuutina uu ka dhoofiyo isagoo doonaya inuu xidho 7 Dekedood oo Xoolaha Somalidu ka dhoofaan, Sidoo kale waxa uu masuukani sheegay in ganacsadahan Abu Yaasir Xukumada Somaliland iyo Maamulka Putlandba ka warheleen talaabooyinka guracan uu ku hawlanyahay islamarkana la xidhay Maxjaradii uu kulahaa Somaliland iyo Putland Maxjarkiisii Berbera hada wuxu xidhanyahay mudo 15 Maalmood oo Xukumada Somaliland albaabada isugu dhufatay waxa kaloo laga mabnuucay dalka inuu yimaado ganacsade Abu Yaasir sida uu masuulkan noo waramay sheegay waxa kaloo iyaguna faraha kala baxay ganacsato Somaliya oo la Shaqayn jiratay kadib markay ogaadeen dagaalka qaawan uu kuhayo Xoolaha Somalida iyo dhoofkooda,
Masuulkan noo waramay ayaa sheegay inay Maxjarkan Almutaxida ku midaysan yihiin ganacsato Badan oo Somaliya xoolaha deegaamada Somalida oo dhan iyo geeska Afrika laga keenana laga raro Wax shahaado ahna aanay kasoo qaadan Xamar Qarankooda Somaliland ay ku qanacsan yihiin iskamarkaana ay Cadaynayaan in Dhamaan Xoolaha ka dhoofa Dekeda Berbera ay ku baxaan shahaadada Somaliland Cadaynteedana ay hayaan Dhakhaatiirta Xanaanada xoolaha iyo Dekeduna ay lasocdaan.