Dalka Soomaaliya ciidamada u tababara ee wasiirkoodii hore ee maaliyaddu xabsiga ku geeriyooday

0

Berhane Abrehe – oo ah wasiirkii hore ee maaliyadda Eritrea ayaa waxa uu ku geeriyoday gudaha xabsiga sida ay sheegeen qoyskiisu.

Ninkaan ayaa waxa uu ahaan jiray mid aad u dhaliila madaxweynaha mudada dheer talada dalkaas haya,, Isaias Afwerki.

 

Wasiirka oo ku dhintay da’da 79 jirka ayaa waxa uu soo noqday wasiirkii maalyadeed ee ugu muddo xileedka dheeraa dalkaas, balse waxaa laga xayuubiyay taladaas sanadkii 2012 kii, kadib markii ay isku dhaceen isaga iyo madaxweynaha dalkiisa.

Balse lix sano kadib ayaa xabsiga la dhigay markii uu soo saaray uu ku tilmaamayo madaxweynaha “kaligii talis” u baahan in uu is casilo.Qoyska ayaa waxay BBC da u sheegeen in maamulka oo inta badan ka hadlin saraakiisha sare ee ku dhimata xabsiyada in ay ku war galiyeen in uu dhintay Berhane.

Dowladda oo aan sidoo kale ka hadal xogta goobta lagu aasayo dadka ku dhinta xabsiyada ayaa waxay la wadaageen qoyska in maydka Berhane lagu aasi doono Qabuuraha Wadaniyiinta ee Asmara. Kaliya rugcadaayada dagaalkii xornimo doonka Eritrea sida Berhane oo kale, ama xubnaha u soo adeegay qaranka ayaa lagu aasaa halkaas.

Maydkiisa ayaan ilaa iyo hadda la soo saarin, sida ay sheegeen qoysku, mana heedda goorta iyo sida uu u dhintay Berhane.

Waligiis lama soo taagin maxkamad.

Madaxweynha xukuma dalkaas Afwerki, ayaa waligiis qaban doorasho qaran, tan iyo markii waddankan yari uu xornimada ka qaatay dalka Ethiopia sanadkii 1991 dii.

Xisbiyo sidaaseed, ururo bulsho iyo warbaahin madaxbanaan ayaa mamnuuc ka ah dalka.

Isku dhaca Afwerki iyo Berhane ayaa waxa uu bilowday mudadii uu wasiirka ahaa, xilligaas oo ay isku qilaafeen isaga iyo madaxweynuhu in uu si daah furan u soo bandhigo miisaaniyadda dalka. Miisaaniyadda ayaa ilaa iyo hadda ahayn mid ay xog ka hayaan dadweynuhu.

Sanadkii 2012 kii, Berhane waxaa laga qaaday xilka iyada oo laga gacan bidixeeyay ma qayb galka siyaasadda.

Saddex sano kadib wuxuu si qarsoodi ah u qoray buug ka kooban ilaa saddex cutub oo uu ugu magac daray Dalkeyga, waxaana loo diray dibadda si loo daabaco.

Inkasta oo uu ugu yeeray madaxweynihiisa in uu yahay kaligii talis, kana dalbaday in uu is casilo, waxa kale oo uu. Ku cariyay in uu kala qayb galo dood laga sii daayo talafishinka.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in la badalo baarlamaanka dalka – oo uu isku dhafay madaxweyuhu sanadkii 2002 dii. Ilaa maantadaan, ma jirto hay’addo sharci dajin oo la xisaab tami karta madaxweynaha.

Sanadkii 2018 kii, markii uu Berhane daabacay buuggiisa Dalkeyga, waa la xiray waxaana la dhigay xabsi aan la aqoon halka uu ku yaallo.

Xilliga ayaa waxaa sidoo kale la xiray xaaskiisa iyada oo aan loo sheegin sabab loo xiray, balse waxaa la iska siidayay sanadkii 2019 kii.

Mid ka mid ah wiilasho uu dhalay Berhane oo xilligaas lala xiray hooyadii ayaa BBC da waxa uu ugu warramay dhibaatada ay qoyskoodu mareen.

“Waxaam ku noolahay rajo aad u soo naxuuseysa oo ah in aabaheey oo xaalad caafimaad darro haysato in uu maalin uun ka soo baxo xabsiga,” ayuu BBC da u sheegay wiilka berhane sanadkii 2020 kii.

31 jirkaan ku nool dalka Maraykanka oo isaga cararay dalka ayaa is waydiiyay, “Sidee ay dad dowladdu u afduubtaa oo sanado badan loo waayaa? Maxay sidaas dad bani aadam ah isugu sameynayaan?”

Berhane waxa u uku dhashay dalka Eritrea sanadkii 1945 tii, isaga shahaadada labaad ee jaamacadda oo ku diyaariyay dhaqaalaha ka qaatay jaamacadd ku taalla dalka maraykanka inta uusan ku biirin halgankii ay xornimada ugu qaadanayeen Itoobiya.